Maxaad ka taqaan taariikhdii ninkii kala diray Midowgii Soofiyeeti ee Mikhail Gorbachev oo maanta geeriyoodey?!

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2022 – Xilligii Gorbachev. Waxaa xijaabtay hoggaamiyihii hore ee Midowga Soofiyeeti Mikhail Gorbachev 1931-2022 isaga oo jira 92 sano.

Taariikh nololeedkiisii iyo hawluhu soo qabtay aad ayaa dunidu uga sheekaysay, waxaase jira dhacdooyin socday xilligii aan indhaha ku kala qaaday dhacdooyinka adduunka. Waxaana jira arrimo badan oo xilligaa socday oo ay ka mid ahaayeen Dagaalkii Khaliijka ee labaad , burburkii Midowga Soofiyati, wadahadalkii Carabta iyo Israa’iil.

Buug yaroo xasuus qor ii ahaa 1990kii ayaan dhacdo markaa adduunka ka socotay si gaar ah ugu xusay, waa arrintay reer Galbeedka (NATO) oo Maraykanku hoggaaminayo iyo reer Bariga (Waarso) oo uu Midowga Soofiyati hoggaaminayo ka dhaxaysay ay ugu yeedheen dagaalkii qaboobaa.

Shir ka dhacay Magaalada Helsinki ee dalka Finland ka dhacay 09-09-1990 ayey labadii Madaxweyne ee xilligaa ee Maraykanka George Bush iyo Midowga Soofiyati Mikhail Gorbachev ku sheegeen in lagu soo afjaray dagaalkaas qabow ee labada dhinaca u dhaxeeyey. Kulankaa labada hoggaamiye waxay isku weydaarsadeen sawir gacmeed muujinaya siday Bush iyo Gorbachev uga adkaadeen dagaalkii wakiiladu u fulin jireen ee labada dhinac ka dhaxeeyey, waxaana hadyad ahaan sawirkan loo siiyey Bush, waa muddo kooban markii Saddaam qabsaday Kuweyt, arrinta Kuweytna Maraykanku wuu danaynayey in ay Midowga Soofiyati iska kaashadaan ugu yaraana uu dhexdhexaad ka noqdo.

Dhacdooyinka xiisaha lahaa ee xilligii Gorbachev waxaa ka mid ahaa burburkii Midowga Soofiyati ayaamihii ka horeeyey dhacdooyinkii socday oo ay ugu xiisaha badnayd Inqilaabkii dhicisoobay ee lagula kacay Gorbachev, oo dhacdooyinkaas aan kala soconay warbaahinta muuq baahiya iyo wargeysyada oo kuwii aanu ka akhrisan jiray aan weli hayo iyagoo nool.

Paul Roberts oo ka mid ahaa maamulkii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan , mar uu u waramayey wakaaladda wararka ee RAI Novosti wuxuu yidhi: ”Dhibta Mikhail Gorbachev ku dhacday waxay ahayd in uu aaminay Maraykanka oo u ballan qaaday in aanay NATO Bari u soo fideyn hadduu ogolaado Gorbachev in la mideeyo labada Jarmal, madaxweynihii hore Maraykanka Ronald Reagan wuu xiisaynayey in dagaalka qabow la soo gabagabeeyo, mana ku riyoon in Midowga Soofiyati sidan degdega ah u burburi karo, laakiin sirdoonka Maraykanku ma dhiiri galinayn in dagaalka qabow la soo afjaro, heshiisyo badan oo lala galayna miiska lagalama kicin“.

Gorbachev wuxuu dhaxlay dawlad balladhan oo gabowday oo ay adkayd in ay sii noolaato, dhaqaale xumo baahday iyo dagaalkii Afgaanistaana uu soo dedejiyey burburkii Midowga Soofiyati, wixii intaa ka danbeeyey adduunku wuxuu galay isbeddel weyn, waxaa kala dhaqaaqay dalal badan, waxaa burburtay dawladii Yuguslaafiya, waxaa kala dhaqaaqday dawladii la odhan jiray Juguslafaakiya, Yurubna waxay gashay nolol cusub.

Ruushku xilligan wuxuu dareemayaa khiyaamadii Gorbachev lagula kacay in uu ka dirirayo, ee ahayd in aanay NATO bari u soo fideyn. Dagaalka Ukraine waa mid dhalin kara in mar labaad Yurub halis kale oo ka khatar badan tii dagaalkii labaad ee adduunka waajahdo, oo hubka Nukriyeerka laysu adeegsado, xilligana dagaal xooganna ka socdo duleedka warshadda ugu weyn Yurub ee ku shaqaysa Yuraaniyamka oo hadday gubato Yurub khatar ku sugan tahay.

W; D: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media