Nidaamka Ukraine oo ceebtii musuq ee ugu waynayd dhex fadhiya (Ma malayn kartid gargaarka la lunsaday)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2022 – Saraakiisha Ukraine ee ku sugan Gobolka Zaporozhye ee bariga dalkaasi ayaa lagu wadaa in baaritaan lagu sameeyo kaddib markii lagu eedeeyey inay xadeen gargaar bani’aadannimo oo aad u badan oo loo soo diray.

Waxaa lagu eedeeyey inay dhaceen boqollaal baabuur oo xamuul ah oo ay ku shixnadan yihiin alaabooyin kala duwan.

Weeraro baaritaan ah oo lagu qaaday xafiisyada iyo cinwaannada lala xiriirinayo dadka looga shakisan yahay inay wax isdabamariyeen ayaa la soo weriyey Talaadadii.

Wakiillada SBU, oo Ukraine ugu jirta booskii KGB, iyo hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa ee NABU ayaa sameeyey hawlgallada, sida lagu sheegay bayaan ay hay’aduhu soo saareen.

Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada Ruushka, laakiin caasimaddiisa Zaporozhye iyo qaar ka mid ah deegaannada ku xeeran ayaa waxaa weli xukuma Kiev.

Weeraradan ayaa lala beegsaday maamul ay Kiev magacowday iyo xubnaha golaha degaanka ee magaalada, sida ay sheegeen SBU iyo NABU. Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen wax ay u malaynayaan in ay yihiin waxyaabaha maanka dooriya iyo hub sharci darro ah xilli ay fatashayeen goobta.

Inkasta oo bayaanka rasmiga ah uu bixiyey tafaasiil yar, xogo aad u faahfaahsan oo ku saabsan baaritaanka socda ayaa ka yimid dhanka ninka caanka ah ee Ukraine Evgeny Shevchenko, oo si wayn ay warbaahinta maxalliga ihi ugu qeexday inuu yahay wakiilka aan lacagta qaadan ee NABU. Wakaaladdu waxay hore u xaqiijisay inay isaga la shaqaynayso.

Sida ku xusan qoraalkiisa Facebook, tuhmanayaasha ayaa waxay sameeyeen inay xadaan “ku dhowaad ​​dhammaan gargaarka bini’aadninnimo” ee loo diray gobolka, iyagoo alaabada ku iibinaya agabkii oo tafaariiq ah.

Tirada guud ee la xaday ayaa gaaraya 22 konteenar oo gaadiidka badda ah, 389 oo baabuurta qaboojiyaha leh ah iyo 220 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, sids uu Shevchenko sheegay.

Hadalsame Media