Sirdoonka dal reer Galbeed ah oo lagu helay inay Suuriye geliyeen gabdho ku biiray Daacish (Arrinta lala yaabban yahay)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2022 – Mohammed al-Rashed, oo ah basaas u shaqeeya sirdoonka Canada, ayaa la sheegay inuu gabadha Ingiriiska ah ee  Shamima Begum iyo labadeeda saaxiib ah u tahriibiyey Suuriya sannadkii 2015-kii, sida lagu sheegay buug cusub iyo warbixinno ay faafiyeen warbaahinta Ingiriiska oo keenay in la dalbado baaritaan rasmi ah.

Taariikhda sirta ah ee Sirdoonka ”Shanta Indhood” ee uu qoray Richard Kerbaj, oo ahaan jirey wariyihii hore ee amniga ee The Sunday Times, ayaa sheegay in Boqortooyada Ingiriisku ay markii dambe heshiis la gashay Canada si ay u qariso doorka Adeegga Sirdoonka Amniga Canada (CSIS) ee kiiska Begum, taasoo guursatey dagaalyahan ISIL (ISIS) ah.

end of list

Afhayeen u hadlay CSIS ayaa BBC-da u sheegay in aanu “si cad uga faalloon karin ama aanu xaqiijin karin ama u diidi karin waxyaabaha gaarka ah ee baaritaannada CSIS, danaha howlgalka, hababka ama howlaha ay qabanaysey”.

Shanta Indhood waa isbahaysiga xog-wadaaga ah oo ka dhexeeya dalalka UK, Maraykanka, Canada, Australia iyo New Zealand.

Sida laga soo xigtey warbaahinta Britain, Booliiska UK ee Scotland Yard ayaa loo sheegay in dhallinyaradan uu Suuriya u tahriibiyey Rashed oo ahaa basaas laba-dhinacle ah oo u wada shaqaynayey kooxda hubaysan ee ISIL iyo Sirdoonka Canada. Waxa ay Canada u qoratay basaasnimo markii uu magangelyo ka dalbaday Safaaradda Canada ee Urdun.

Baaritaan ayaa haatan la dalbaday, iyadoo ay soo baxday in Canada ay wax ka ogayd masiirka dhallinyaradan, balse ay iska aamustay iyadoo Adeegga Booliska Ingiriiska ee Metropolitan Police uu wadey baadigoob caalami ah oo lagu raadinayo seddexdan gabdhood.

Canada waxay si gaar ah u qiratay ku lug lahaanshaheeda arrintan kaliya markii ay ka baqday in la kashifo kaddib markii Rashed lagu xirey Turkiga 2015-kii, kaddibna waxay ku guulaysteen inay UK waydiistaan inay daboosho doorkeeda arrintan, sida uu buugu sheegay.

Warkan ugu dambeeyey ayaa dib u furtay doodda ku saabsan in Begum laga xayuubiyey dhalashada Ingiriiska iyada oo la ogyahay inay sirdoonka dal reer Galbeed ihi uu caawinaad wax ku ool ah ku lahaa safarkeeda Suuriya.

Begum, oo 23 jir ah, ayaa weli ku jirta xero ku taal woqooyiga Suuriya. Waxa ay ku tala jritaa inay kiiskeeda dib uga soo cusboonaysiiso Guddiga Racfaanka Socdaalka Gaarka ah bisha Nofeembar.

Hadalsame Media