”Xisbiga S yaan loo codaynin” – Siyaasiyad Soomaali ah oo xisbigan oo ay ka tirsanayd weerar ku qaadday

0

(Gothenburg) 30 Agoosto 2022 – Siyaasiyadda Saciida Xuseen Mooge ayaa waxay aaminsan tahay in RW Magdalena Andersson ay Soomaalida magac dil ku samaysay kaddib markii ay DN u sheegtay inaysan doonayn ”xaafado Soomaali ah.”

”U malayn maayo in qofna ay la tahay inay sidani caadi tahay. Waxa ay koox dhan oo dad ah farta ugu goddey in marmarsiinyo laga dhigto,” ayay tiri Mooge oo la hadlaysey GP kana tirsan isla xisbiga Magdalena ee S.

Waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay in hadalkaas uu sii huriyo cunsuriyadda oo kaliya, waxayna aaminsan tahay in Soomaalidu ay markii horeba ahaayeen koox ku nugul bulshada dhexdeeda.

“Xisbiga S haatan uma taagna qiyamkii iyo mabaadii’dii aan aaminsanaa. Xisbiga Sooshal Dimuqraadiga ayaa ka fogaanaya xididadiisii waxaana sii kordhaysa inay usii dhawaanayaan siyaasadda garabka midig. Islamarkaana ay noqdeen xisbi soo galooti nacayb ah.” ayay ku qortay farriin ay soo dhigtay Facebook iyadoo qabta inaysan xumayn inay dadku is dhexgalaan, balse aan loo baahnayn in koox gaar ah la far muuqo.

Siciida Mooge oo 30 sano ka tirsanayd Xisbiga S ayaa Soomaalida usoo jeedisey inaan loo codaynin Xisbiga S, waloow aysan weli sheegin xisbi kale oo ay ku biirtay.

Tan kale, xisbiyada kale ee midigta dhexe iyo kuwa fog ah ayaa qayb ahaan u muuqda kuwo kasii xag-jirsan Xisbiga S, waloow hadalka kasoo yeerey RW Sweden uu ahaa mid aad u diley kalsoonidii ay Soomaalida, oo xisbigan inta badan u codayn jirey, ay ku qabeen xisbigan.

Hadalsame Media