Maalgashadayaal caalami ah oo ku jira ragga iibsanaya AC Milan (Ciyaartooy & fannaaniin caan ah oo ku jira)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2022 – Warqaadka Financial Times ayaa qoray warbixin ku saabsan in dad caan ah iyo maalqabeenno kale ay ku jiraan dadka maalgashanaya AC Milan oo bisha soo socota lagu wareejinayo sanduuqa RedBird ee uu hoggaaminayo Gerry Cardinale.

Wargayskan caanka ah ee arrimaha dhaqaalaha ka faallooda ayaa shaaca ka qaaday in magacyada qaar ka mid ah shakhsiyaadka la yaqaan ee ka socda adduunka isboortiga iyo madadaalada Mareykanka, ay ka mid yihiin LeBron James iyo rapper-ka Drake oo ku midaysan Main Street Advisors iyo qoyska iska leh New York Yankees.

Sida laga soo xigtey Calcio e Finanza, waxaa sidoo kale jira xubno kale waxaana ka mid ah ganacsadaha Talyaaniga ah ee Riccardo Silva, oo ah milkiilaha MLS Miami FC iyo sidoo kale saaxiib waqti dheer la ahaa Cardinale iyo Agaasimaha Aagga farsamada ee Milan ee Paolo Maldini.

Kaiser Permanente oo ah shirkad wayn oo Maraykan ah oo caafimaadka ka shaqaysa, sanduuqa howlgabka ee Los Angeles LACERA iyo maalgashadayaasha Hugh Evans iyo Ramzi Musallam oo iyaguna diyaar u ah inay ka qaybqaataan maalgashiga AC Milan.

Milan oo xagaaga horraantiisii bishii Juun lagu iibiyey €1.2 bilyan oo euro ayaa waxay bisha Sebtembar ee soo socoda u gacan geleysaa RedBird Capital oo gadatay saami dhan 99.97% si ay meesha uga saarto Elliott Management, iyadoo uu qorshuhu yahay in kooxda lagu tallaalo kharash fara badan si ay markale u noqoto tartame heer caalami ah.

Hadalsame Media