DEG DEG: Maamul-goboleedyada oo ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen hay’ad ka tirsan DF (Sabab yaab leh)

0

(Muqdisho) 30 Agoosto 2022 – Maamul-gobaleedyada Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay lalahaayeen Wasaaradda Maaliyada Federaalka Soomaaliya.

Wasiiradda Maaliyada heer maamul ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Federaalka inay garab martay wax ay ku sheegeen ”dhammaan Heshiisyadii ay kuwada shaqaynayeen 5-tii sanno ee lasoo dhaafay,” kaas oo keentay in Hannaanka Dayn Cafinta aan wax badan horumar ah laga gaarin.

Lama yaqaanno halka ay Maamul-goboleedyadu kasoo geli karaan arrimaha dayn-cafinta oo ku dhacaysa waajibaadka Dowladda Dhexe, sidoo kale lama oga xeerka ay u cuskadeen xiriirka ay sheegeen inay jareen.

Dalka Somalia ayaa waxaa ka jira siyaasado is diiddan oo aan inta badan ku dhisnayn wax dhaafsiisan shakhsiyaad isu muuqda iyo dano gaar ah oo aan marna xeerinayn danaha dalka iyo dadka.

May be an image of text

Hadalsame Media