Amitabh Bachchan oo iska ilaaliyey baxar ay ku jiraan Amir Khan & Akshay Kumar (Arrinta uu dhibku ka haysto)

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Dhowaan filimmada Aktarada Aamir Khan ee Laal Singh Chaddha iyo Akshay Kumar ee Raksha Bandhan  ayaa ku dhibtooday in ay bandhig wacan ka sameeyaan Box-office-ka, kaddib markii ay la kulmeen qaaddacaad uga timid daawadayaasha.

Haatan, Amitabh Bachchan ayaa qoraal sogordahan ah bulshada la wadaagey waxaana uu si dadban u weeraray qaadacaadda baraha bulshada, isagoo sidoo kale iska ilaalinaya in isagana la weeraro.

Big B ayaa Twitter kusoo qoray sidatan: “Kuch batein karne ka mann karta hai, par karein toh kaise karein, har baat toh aajkal baat ban jati hai.

(Waxaan dareemayaa inaan ka hadlo waxyaabaha qaar, laakiin sidee loo sameeyaa, maadaama wax walba ay kiis noqdeen maalmahan) ”

Islamarkii uu jilaagan ruug cadaaga ihi farriintan kusoo qoray barta Twitter-ka, waxay si deg deg ah ula xiriiriyeen inuu ka hadlayo qaadacaada filimada qof baana yiri, “Brahmastra ke release ke pehle tak mat kariye sir koi bat. (Mudane, waxba ha dhihin kahor sii daynta filim-ka Brahmastra.)

Amitabh Bachchan ayaa bartiisa Twitter-ka warkan soo dhigay maalmo uun kaddib hadalkii Alia Bhatt ee qabsaday Internet-ka. Waraysi lala yeeshay, ayay Alia ku sheegtay in haddii dadku aysan filimadeeda jeclayn, aysan ahayn inay daawadaan filimadeeda.

Hadalka Alia si fiican uma qaadan isticmaalayaasha baraha bulshada, taasoo keentay in hashtag-ka Boycott Brahmastra uu kor u kaco mar qura oo baraha bulshada qabsado.

Mar sii horreeysey, Kareena Kapoor Khan ayaa hadal la mid ah tii Alia tiri, taasoo laga yaabo inay ka xumaadeen daawadayaashu islamarkaana keentay in film-ka Laal Singh Chaddha ay diidaan, iyadoo markii Alia ay qaadday wadadii Bebo, gabal gaaban oo hadalkeeda ayaa bilaabay in uu sidii dab duur galay ugu wareegaalaysto internet-ka.

Haddaan usoo laabanno Brahmastra, mashruucan hamiga ah ee Ayan Mukherji ayaa tiyaatarrada la saari doonaa 9 bisha Sebtembar. Marka laga soo tago Amitabh Bachchan iyo Alia, filimada kale ee dhibka la kulmay waxaa ka mid ah midka kuwa Ranbir Kapoor, Nagarjuna, iyo Mouni Roy.

Hadalsame Media