RASMI: Dal horay isaga jaray gaaska Ruushka oo haatan ku baryootamaya in loosoo daayo

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Wasiirka Tamarta ee Bulgaria, Rossen Hristov, ayaa sheegay in ay u badan tahay in wadankiisu uu dib ugu laaban doono wadahadallada Ruushka ee ku saabsan dib u soo celinta gaaska ay Dowladda Ruushku maamusho ee Gazprom.

Gazprom waxay soo butaacinaysey 90% gaaska dabiiciga ah ee Bulgaria adeegsato ilaa Abriil, markaasoo ay jartay sahayda kaddib markii Bulgaria ay diiddey inay biilalka ku bixiso lacagta Ruble-ka.

“Marka la eego dalabaadka ganacsiga iyo ururrada shaqaalaha, dhab ahaantii, wadahadal lala yeesho Gazprom si loo cusboonaysiiyo sahayda waa lama huraan,” Wasiirka Tamarta Rossen Hristov ayaa sidaa ka sheegay munaasabad saxaafadeed, sida ay sheegtay Reuters.

Ma uusan carrabaabin goorta uu waddankiisu ku laaban doono wada xaajoodyada uu la furayo Ruushka ee ku saabsan dib u bilaabista saadka gaaska, laakiin waxa uu si maldahan u sheegay inay dhowaan dhici doonto.

Hadda, Bulgaria waxay baahideeda gaas saddex meelood oo meel ku maaraysaa gaas ay ka hesho Azerbaijan, iyadoo inta soo hartay kasoo iibsata suuqa furan.

Hadalsame Media