Dal Muslim ah oo ciidamo u diraya sugitaanka ammaanka Koobka Adduunka 2022

0

(Dooxa) 24 Luulyo 2022 – Dalka Pakistan ayaa ciidamadiisa ammaanka u diri doona dalka qadar sugidda amaanka Koobka Aduunka ee FIFA ee la qorsheeyay in bisha Nofeembar lagu qabto dalka Qadar.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey qabyo-qoraalka heshiis u dhexeeya Pakistan iyo Qadar oo ku saabsan bixinta ciidamo loogu talagalay munaasabaddan wayn, sida uu qorayo maalinlaha maxalliga ah ee Express Tribune.

Warkan ayaa yimid kahor booqashadii Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu ku tegey dalka Qadar.

Shariif ayaa Dooxa gaarey Talaadadii, waana booqashadiisii ​​ugu horreeysey ee uu ku tago dalka Qadar kaddib markii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la wareegey bishii Abriil.

Waxa uu sidoo kale Arbacadii booqday Garoonka ‘Stadium 974’ ee magaalada Dooxa, halkaas oo madaxda Qadar ay warbixin ka siin doonaan diyaargarowga Koobka Adduunka ee FIFA.

Hadalsame Media