Isbeddel howlgal oo hadda la sameeyey & ciidan mar kale dagaalka lagu soo celiyey + Sawirro

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2022 – Waxaan weli la xallin weerarka lagu qaaday Hotel Xayaat oo ku yaalla Muqdisho.

Waxaase haatan lasoo sheegayaa in hadda kaddib la bedeley Ciidankii Gaashaan (ex Alpha Group) ee ilaa xalay halkaa joogey kuwaasoo waloow ay gurigii qayb ahaan burburiyeen aan misna soo afjarin xaalka.

Booliiska Harimcad oo bilowgii meesha joogey ayaa haatan dib loogu celiyey howlgalka ka socda hotel Xayaat, Muqdisho.

Dagaalka ka socda gudaha Hotel Xayaat ayaa wuxuu haatan socdaa wax ku dhow 24 saacadood.

Arrintan ayaa muujinaysa deg deg la’aan, karti xumo, jahawareer dhanka wajahaadda ah iyo xitaa waayo aragnino la’aan xitaa haddii ay qaraxyadu 20 sano kusii dhow yihiin.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo midkii amniga ayaan wax door ah oo muuqda laga haynin, iyadoo uu kan guduhu iska jiro shirar aan haatan muhiimad lahayn iyo booqasho uu ku tegey Garoonka Dayuuradaha.

Hoteelka weerarka kahor

Hadalsame Media