Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir ku qabtay Muqdisho (Ma malayn kartid waxa uu ku saabsan yahay)

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2022 – Waxaa qalbiga magaalada Muqdisho weli la taagan xaalad aan weli xal loo helin oo ku saabsan weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay dad badani ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Haatan waxaa uu shir magaalada Muqdisho uga soconayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaasoo ah shir uu fadhiyo Wasiirka Wasaaradda, Axmed Macallin Fiqi, sida lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda.

Yeelkeede, waxaa yaab badan leh in Wasaaraddu ay ka hadlayso arrimo bulsho oo aan waqti xaadirkan muhiimad lahayn sida Socdaal iyo Magangelyo doon, halkii la samayn lahaa meel lagala socdo (Situation Room) xaaladda ka taagan bartamihii magaalada, laguna dadaali lahaa wax ka qabadkeeda.

Waxaa yaab leh in tiiyoo 24 saac ku dhowaad la is hor fadhiyo ay Wasaaraddii Arrimaha Guduhu qabato shir aan laguba soo qaadin xitaa hal qodob oo ammaanka la xiriira.

Waxaana kasoo baxaysa laba arrimood oo ay midi tahay inaysan dareen badan u lahayn waxa soconaya oo aanay dan ka lahayn iyo in ay jirto karti xumi oo aysan ku baraarugsanayn waxa taagan iyo mas’uuliyadda ka saaran iyo sidii loo wajihi lahaa.

Dad badan ayaa durba baraha bulshada ka bilaabay dood ku saabsan fal-celinta gaabiska ah iyo hab-dhaqanka Wasiirka Gudaha oo saaka sidoo kale ka hadlayey Ergayga Abaaraha iyo haatan oo uu qabtay shir ku saabsan socdaal iyadoo ay dhinac ka gubanayso magaaladii uu ammaankeeda eedda ku lahaa.

Hadalsame Media