Su’aalo waaqici ah oo ka hor yimid go’aan la sheegay in dhulka lagu dhigayo Hotel Xayaat

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2022 – Waxaa weli xaalad cakrinaan ah oo aan abid horay loo arag ku jira weerarka lagu qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Waxaa haatan ay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ay wada qorayaan in ay DF Somalia go’aamisey in dhulka la dhigo hoteelka, waloow aanu jirin mas’uul warkaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in kasta oo uu hoteelku haatan qayb ahaan burburayba.

Ha yeeshee, su’aalaha ka taagan arrintaasi waxay qaarkood yihiin kuwa farsamo qaarna waa kuwo anshax sida.

  • Haddii la doonayo in hoteelka dhulka la dhigo maxay taasi u taraysaa dadka nool ee goobta weli ku jiri kara?
  • Haddii lacalla lagu dhaqaaqo qorshahahaasi waxaa khasab noqonaysa in meesha laga saaro ciidamada DF, soow taasi fursad ay xitaa ku baxsadaan ma siin karto dadka weerarka soo qaaday?
  • Haddii guri kasta la dumiyo marka meel sidan oo kale loo weeraro maxay ku kala duwan yihiin kuwa weerarka soo qaaday iyo kuwa la doonayo inay dadka uga gurmadaan oo ka badbaadiyaan?

Si kastaba, waa markii ugu horreeysey ee la maqlo DF oo laga sheegayo in dhulka la dhigauo guri ay dad nooli ku jiraan, waloow uu qorshuhuba sidaa ku socdey 23-kii saacadood ee lasoo dhaafay oo hoteelka madaafiic lagu garaacayey iyadoo aan waxba laga qaban dadka gudaha ka dagaallamaya oo rasaas weli ridaya, balse aan weli meesha laga saarin.

Hadalsame Media