Maxaad ka taqaannaa mashruuc ay ku dhowaad isku fac yihiin Xornimada Somalia (Yaa ka fuliyey dalka?)

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 – Maxaad ka og tahay Mashruucii Biyo-Xireenka Faanoole ee Somalia (1963-1982-kii)?

Mashruuca biyo xireenka Faanoole wuxuu ahaa mid ka mid ah mashruucyadii guuleestay ee Somalia laga fuliyay kadib xornimadii. Waxaa la sheegaa fikirka mashruucaan biyo xireenka inuu lahaa madaxweynihii hore ee Somalia Abdirashid Ali Sharmake.

Biyo-xireenka Faanoole ayaa waxaa heshiis ku galay in la dhiso dowladaha Somalia iyo midowga suufiyeet (USSR) sanadkii 1963. Waxaa la isku raacay kadib qiimeyn la sameeyay in mashruuca biyo xireenka laga fuliyo deegaanka Faanoole oo 22 km ka xigto dhanka waqooyi degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa waqti badan qaatay in la helo maalgalin,quburo aqoon u leh dhisida biyo xireenada sidoo kale waxaa jiray caqabado kale oo saameeyay mashruucaan sida Somalia oo gashay marxalad siyaasadeed oo dalka ay la wareegeen militariga sanadkii 1969 iyo dagaalkii Somalia ay la gashay Ethiopia sanadkii 1977-kii. Arrimahaan oo is biirsaday ayaa ka dhigay in mashruucaan uu dabo dheeraado waqti badan ilaa ay baxday ooraahda caanka ah ee “Faanoole Fari Kama Qodno”.

Dowladii uu hogaaminayay Mohamed Siad Barre ee dalka la wareegtay sanadkii 1969 waxay qaadatay nidaamka shuuciyada ee ku saleysanaa hantiwadaaga ayadoo xariir wanaagsan la yeelatay dowladii midowga suufiyeet (USSR). Waxaa sii socday fikirka mashruuca biyo xireenka Faanoole oo ugu dambeyn sanadkii 1974 toos u bilowday.

Dhismaha mashruuca biyo xireenka Faanoole waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkii Somalia iyo Ethiopia sanadkii 1977. Waxaa isku dhacay dowladii Somalia iyo USSR ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeeti oo ugu dambeyn Ethiopia soo garab istaagay. Waxaa halkaas ku istaagay dhismihii Biyo-xireenka Faanoole.

Somalia ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha (China) inay la wareegto mashruuca biyo xireenka faanoole oo ay dhamestirto mashruucaan sanadkii 1978.

HADAFKA LAGA LAHAA BIYO XIREENKA FAANOOLE

Biyo xireenka Faanoole waxaa laga lahaa 2 ujeedo oo kala ah :

1. Koronto dhalin

2. Waraabin beero

Mashrruuca biyo xireenka Faanoole waxaa garab socday mashruuc kale oo weyn oo ahaa beersita bariis ilaa dhul 40,000 hectare ah. Somalia ayaa xiligaas ku fikirtay inay balaariso wax soo saarkeeda bariiska oo markaas ku koobnaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabelle dhexe. Gobolada jubooyinka ayaa xiligaas la rabay in bariis lagu beero oo mashruucaan wuxuu hareer socday mashruuc biyo xireenka Faanoole.

Dowlada Shiinaha ayaa Biyo xireenka Faanoole dhameestirtay sanadkii 1982. Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqo bilaabay isla sanadkaan asagoo waraabin jiray beero Bariis, Sisin iyo Caleen-shaah. Biyo xireenka Faanoole ayaa sidoo kale siin jiray koronto magaalooyinka Jilib iyo Mareereey. Waxuu kaloo koronto siin jiray Warshadda Sonkorta Jubba oo ku tiilay Mareerey gobolka Jubada Dhexe. Korontada biyo-xireenka uu dhalin jiray waxay ahayd 4.6 MW maalintii.

Biyo xireenka Faanoole wuxuu ka koobnaa 3 kanaal oo 2 ka mid ah ay marayeen bariga webiga Juba – dherer kooda ahaa 52 km iyo 30 km (Kanaalka Hoombooy) halka kanaalka 3 uu marayay galbeed ka Webiga; dherer kiisuna ahaa 25 km oo loogu talo galay beeraha qasabka (Sugarcane) ee Mareeray.

Mashruucii kale ee beerista bariiska ee hareer socday biyo xireenka Faanoole ayaa isagana waxaa la beeray 5,000 hectare oo bariis laakiin lama gaarin hadafkii guud ee ahaa 40,000 hectare. Bariiska ka soo baxo beerahaas waxay dowlada siin jirtay askarta.

MARXALADAHA UU SOO MARAY MASHRUUCA BIYO XIREENKA FAANOOLE

1. 1963-Waxaa la hindisay fikirka mashruuca.

2. 1963-1973-kii Waxaa mashruucaan loo raadinayay maalgalin, farsamayaqaano sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka siyaasadeedka dalka ka dhacay.

3.1974-kii Waxaa bilowday dhismaha biyo xireenka Faanoole.

4. 1978-kii Waxaa istaagay mashruucii maadama dalka laga saaray midowgii suufiyeet (USSR) kadib markuu qarxay dagaalka Somalia iyo Ethiopia.

5. 1978-kii Waxaa mashruuca biyo xireenka Faanoole la wareegay Dowlada Shiinaha.

6. 1982-kii Waxaa la dhameeyay dhismaha biyo xireenka Faanoole.

Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqeeyay intii u dhaxeysay 1982-1991. Waxuu ka mid noqday hantidii qaranka ee ku bur burtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

W; D: Diiriye Cabdi Maxamed

Hadalsame Media