DAAWO OO KA DOOD: Arrin aad looga argagaxo oo shalay lagu arkay jidka isku xira Muqdisho-Afgooye

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya sababo la xiriira roob la’aan dhalay abaar daran sanadkan 2022 oo qura, taasoo tirada guud ka dhigaysa hal milyan tan iyo bishii Jannaayo markii ay abaartu bilaabatay, sida lagu sheegay tirokoobyo cusub oo ay soo saareen UNHCR iyo Norwegian Refugee Council (NRC).

Soomaaliya ayaa sidaa darteed waxay haatan maraysaa laba sano oo qallalan oo taariikhi ah, kuwaas oo aan la arag muddo ka badan 40 sanadood.

Nasiib xumo, waxyaabaha abaartan oo ah fasalkii 4-aad oo xiriir ah ee uu roobku baaqdo ama yaraado, ayaa iskugu jira kuwo dabiici ah iyo qaar dad-samee ah waxaana ka mid ah nabaad-guurinta dhulka oo geedaha si wayn loo gurayo si loo dhuxuleeyo.

Waxaa shalay galab jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye lagu arkay gawaari waawayn oo ay qaarkood isjiidyo yihiin oo sida xaabo iyo dhuxul laga keenay koonfurta Somalia oo ah meesha ugu dhir badan dalka, balse dhuxusha ugu badan laga shido si aan caqli iyo qorshe midna ka muuqan.

DF Somalia ee haatan jirta ayaa samaysay Wasaarad arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada oo ah ifafaale caalami ah ka shaqaysa, yeelkeede, weli wax war ah kama soo saarin wax tillaabo ahna kama qaadin arrintan, tiiyoo ay tahay mid u baahan wax ka qabasho deg deg ah oo dhab ah.

Waa arrin ay tahay inay noqoto mid dadka iyo dowladdaba u leh muhiimad qaran (National Priority), maadaama ay saamaynayso nolosha iyo quudka ummadana waa ammaan qaran.

Halkan hoose ka dheeho sawirkan oo aan midkii ugu horreeyey balse u baahan baraarug qaran oo deg deg ah.

Hadalsame Media