QORSHE CULUS: Jarmanka oo lagu eedeeyey inay qorshaynayaan inay dib u qabsadaan gobol horay looga goostay (Dalkee ka haysta?)

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – Nidaamka Berlin ayaa waxa uu wadaa qorshayaal ay ku doonayso inay dib ugu hesho dhul ay leedahay oo uu qaatay dalka Poland, sida uu sheegay Adam Glapinski oo ah Madaxa Bangiga Raranka Poland, isaga oo intaa ku daray in dalkiisu uu u taagan yahay difaac ka dhan ah hamigaas Jarmanka.

Glapinski wuxuu warkan ku bixiyey saadaashan murugada leh isagoo tixraacaya iska horimaadka diblomaasiyadeed ee hadda ka dhex taagan Warsaw iyo Berlin mar uu waraysi siiyey warqaadka Gazeta Polska, oo la daabacay Arbacadan.

“Tan iyo markii la mideeyey Jarmanka 1990-kii, hadafka istaraatiijiyadeed ee Berlin waa “inay dib u helaan nooc ka mid ah dhulalkoodii hore, kuwaas oo hadda ku dhex jira xudduudaha Poland, waxayna doonayaan dhulka u dhexeeya dalalka Jarmanka iyo Ruushka,” ayuu yiri sarkaalkan Polish-ka ihi.

Aragtida Jarmanka ee mustaqbalka Yurub waa “iskaashi dhexmara labada boqortooyo: Ruush iyo Jarman, iyo in waddamada dhexda ku jira ay ku dhacaan saameynta labada awoodood,” ayuu raaciyey Glapinski.

“Brexit ayaa taas u furay daaqad fursadeed,” ayuu aaminsan yahay.

Warsaw waxa ay heshay dhulal Jarmanku lahaa kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxaa loogu magacdaray “Dhulka La Soo Celiyey” ee Poland, waxaana ka mid ah gobollada bari ee Jarmanka sida magaalada Danzig.

Dhulka Jarmanka ayaa qayb ahaan loola jeedey magdhow dagaal oo Poland loo siiyey dhulalkii Polish-ka ee uu qaatay Midowgii Soofiyeeti kuwaasoo ilaa maanta ka tirsan dalalka Belarus iyo Ukraine.

Dadka u dhashay qawmiyadaha Jarmanka ayaa laga soo tarxiilay dhulalkaa ay Poland qaadatay oo dad Polish ah la keenay laguna abuuray.

Hadalsame Media