“Halla joojiyo carqaladda!” – NATO oo ku dhawaaqday dal Muslim ah oo ay faragelin ku samayn karto & Sababta

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – Xoghayaha Guud ee NATO ee Jens Stoltenberg ayaa ku celiyey ballanqaadkiisii ahaa in ururku uu soo faragelin doono haddii “xasilloonidu” ay halis gasho dalka Kosovo intii lagu jirey shir jaraa’id oo uu la qabtay Madaxwaynaha Serbia ee Aleksandar Vucic Arbacadan.

“Haddii xasilloonida la carqaladeeyo, KFOR waxay diyaar u tahay inay soo farageliso waxayna qaadi doontaa tillaabooyin kasta oo lagama maarmaan u ah si loo xaqiijiyo degaan nabdoon oo ammaan ah iyo xorriyadda dhaqdhaqaaq ee dhammaan dadka Kosovo,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha isbahaysiga millaterigu NATO ayaa wuxuu ugu baaqay “dhammaan dhinacyada” inay “muujiyaan is xakamayn oo ay ka fogaadaan rabshadaha,” isaga oo ku dooday in diblamaasiyadu tahay dariiqa kaliya ee loo marayo taas.

Yeelkeede, wuxuu saa sheegay isagoo ku hanjabaya faragelin millateri oo hoos timaada Qaramada Midoobey haddii labada dhinac aysan u hoggaansamin wadahadal dhexdhexaadin ah oo ay garwadeen ka tahay EU.

Stoltenberg ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulan la qaato Ra’iisul Wasaaraha Kosovo ee Albin Kurti gelinka dambe ee Arbacadan, halka Vucic iyo Kurti ay Khamiista ku kulmi doonaan Brussels si ay u sii wadaan wadahadalka.

Xiisad u dhaxaysa Serbia iyo Kosovo ayaa cirka isku sii shareeraysa kaddib markii ay Kosovo meel marisay sharci dhigaya in Serbiyiintu ay baasaboorkooda ku beddelaan dukumentiyada gaarka ah ee Kosovo ay bixiso islamarkaana ay taarikada ama taargada Serbia ku beddelaan midda laga bixiyo Kosovo.

Hadalsame Media