Su’aalo kasoo noqday suuqa Jaadka ee Kenya loo furay kaddib canaan kasoo baxday dhankooda

0

(Nairobi) 17 Agoosto 2022 – Felix Mutwiri oo ah agaasimaha Qaadka iyo Miraha kale, waxa uu sheegay in tan iyo markii dib loo furay suuqa qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofiyeen 375 Kiiloo garaam.

Waxaa muddadaas (24kii Luulyo) u soo xerootay 1 Bilyan oo Kenya Shilin ah, taas oo u dhiganta 10 Milyan lacagta Doolaarka ah.

Mutwiri waxa uu canaantay beeraleyda qaadka iyo ganacsata dhoofisa, kuwaas oo uu ku edeeyey gaabis iyo tirada yar ee Soomaaliya gaara.

Kiilada qaadka hadda Soomaaliya waxa ay ka joogtaa 23 Doolaar.

Haddii Mutwiri oo ah agaasimaha Qaadka iyo Miraha Kenya, ka warramaya xaalka dalkiisa, away Agaasimhii Kalluunka ee Soomaaliya?

Ha noo sheego oo hannooga jawaabo su’aalahan:

Lacag imisaa na soo gashay? Meeqo Kiilo oo Kalluun ah ayaan dhoofiney?

Ma ku canaanatay kalluun jillaabatada iyo kuwa dhoofiya tirada ay u dhoofiyeen suuqa Kenya?

Haddii uu su’aalahaa waaqiciga ah ka jawaabi waayo MW Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saxiixay ayaan sugaynaa?!

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media