Wax ka baro ciidan gaar ah oo la geeyey guriga madaxwaynaha dooran ee Kenya (Yaa awal ilaalinayey?)

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU ee caanka ah ayaa durba la geeyey guriga Madaxweyne Xigeenka William Ruto ee ku yaalla Sugoi, ee Ismaamulka Uasin Gishu, kaddib markii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha dooran.

Waxaa awal hoygaas ilaalinayey saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska ee loo yaqaano Critical Installation Police Unit (CIPU) ee hoos taga waaxda Booliiska Maamulka.

Saraakiishaas ka tirsan Booliiska Maamulka ee AP waa laga saaray meesha waxaana lagu bedelay in ka badan toban dersan oo ah Koofiyo Casta GSU.

Kaddib markii saraakiisha GSU-du ay la wareegeen gacan ku haynta ammaanka guriga, waxa ay bilaabeen in ay baaraan baabuur kasta oo soo gelaya guriga iyo kuwa ka baxaya guriga.

Dadka degaanka oo isugu soo baxay goobta si ay ugu dabaaldegaan guusha Dr Ruto ayaa habeenkii xalay ahaa ku hoydey bannaanka albaabka guriga.

Ciidamadan oo la yiraahdo Unugga Adeegga Guud (GSU) oo u shaqeeya Booliisiya Millitaare ahaan balse ka tirsan booliiska waxay xaruntoodu tahay Ruiru halkaas oo ay ku sugan yihiin inta u dhaxaysa 500 iyo 2000 oo askari oo aad u tababaran.

Hadalsame Media