Midowga Yurub oo ka walaacsan guuldarro uga timaada Ruushka (Taageerada Ukraine oo la isku halleeynayo)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2022 – Ka caawinta Ukraine ee dagaalka ka dhanka ah Ruushka waxay Yurub ugu kacaysaa qiimo badan, taas oo muwaadiniinta ay tahay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan, sida uu qabo madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ee Josep Borell, isagoo ka digey in guusha Ruushku ay EU ku noqon doonto khasaare culus.

“Waa inaan u sharraxnaa muwaadiniinteenna in dagaalkani aanu ahayn dagaal qof kale,” diblomaasigani wuxuu sidaa ku yiri wareysi qoraal lagu daabacay wargayska El Pais Khamiistii.

“Shacabku waa inay diyaar u yihiin inay bixiyaan qiimaha taageerada Ukraine iyo ilaalinta midnimada Midowga Yurub.

“Waxaan ku jirnaa dagaal. Waxyaabahani maaha kuwo bilaash ah.” ayuu raaciyey, isagoo qiray in kharashka baxaya loo qaybsado “si siman.”

Borrell waxa uu warkan ula jeedey sicir-bararka sii kordhaya iyo koronto yaraanta soo food saartay waddamada Midowga Yurub kaddib markii ay go’aansadeen in ay ku ciqaabaan Ruushka weerarka Ukraine isagoo si tartiib tartiib ah uga goostay tamartiisa sida gaaska oo 42% ay isaga kasoo iibsanayeen.

Hadalsame Media