Sirdoonka Ruushka oo ”kashifay” dal dejiyey qorshe qote dheer oo ka dhan ah Ukraine

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2022 Warsaw waxay sii wadaa inay fuliso isku day muuqda oo ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato qaybo ka mid ah Ukraine iyadoo la raacayo “qorshayaasheeda fog” ee dalkaasi, sida ay qabaan Adeegga Sirdoonka Dibedda ee Ruushka (SVR).

Sida laga soo xigtey Moscow, Poland kaliya maaha inay dejisey xaalad si ay Ukraine ku gayso ciidamadeeda qaab “nabad ilaalineed” gaar ahaan qaybaha galbeedka Ukraine, laakiin sidoo kale waxay isku dayaysaa inay gacanta midig ku dhigto qaybaha muhimka ah ee dhaqaalaha Ukraine, ugu horreeyn – sida beeraha.

Sirdoonka SVR oo u dhigma CIA-da Maraykanka, ayaa ku andacoonaya in shirkadaha Poland ay ka faa’iidaysteen xaaladda adag oo soo wajahdey beeralayda Ukraine, iyaga oo u diyaariyey inay alaabtooda ku iibsadaan qiimo jaban, taasi oo la sheegay inay ku riixayso qaar ka mid ah shirkadaha beeraha ee Ukraine inay kacaan.

Hay’addu (SVR) waxay ku andacoonaysaa in hay’adaha Polish-ku ay markaas lacago badan kusii iibiyaan quudkii ay ku iibsadeen qiimaha jaban, gaar ahaan suuqa dalalka kale ee EU.

“Tan waxaa lagu sharrixi karaa, tusaale ahaan, iibsashada dalagga cusub ee qamadiga oo $30 laga siinayo halkii ton, taas oo ku dhawaad ​​5 jeer ka jaban qiimaha dhabta ah,” sida ay SVR ku sheegtay warbixinteeda.

Sidaa darteed, mas’uuliyiinta Kiev ee hadda xilka haya waxay si dhab ah u bilaabeen ”iibinta dalkooda Ukraine”, iyaga oo mudnaanta siinaya ‘mashaariicdaa ganacsi’ ee deriskooda Poland, ayay raaciyeen.

Bishii Abriil, madaxa SVR Sergei Naryshkin wuxuu sheegay in sir culus ay heshay Moscow ay soo jeedinayso in Poland iyo Maraykanku ay ka shaqaynayaan qorshe Warsaw ay dib ugu soo ceshanayaan aagagga Ukraine ka tirsan oo ay u arkaan inay “taariikh ahaan ka tirsan tahay Poland.”

Waxa kale oo uu soo jeediyey in wejiga koowaad ee mashruucan “dib-u-midaynta” lagu bilaabi doono ciidamada Poland oo la gaynayo qaybo ka mid ah Ukraine si “nabad ilaalin ah” iyada oo lagu marmarsiyoonayo ka ilaalinta Ukraine  ee “gardarrada Ruushka.”

Poland ayaa si cad u beenisey sheegashadan, in kasta oo Madaxwayne Andrzej Duda uu rajo ka muujiyay in mustaqbalka aanay jiri doonin xuduud u dhaxaysa Poland iyo Ukraine, isaga oo ku tilmaamay labada qaran “kuwo ay ka dhaxayso walaalnimo”.

Hadalsame Media