DAAWO: Itoobiya oo ku istaagtey mashruuc wax wayn u tari lahaa Somalia (DF oo ay tahay inay arrintaa ka hadasho)

0

(Qaahira) 16 Agoosto 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar iyagoo 25-kii bishii hore ee Luulyo la kulmay MW Masar Cabdulfataax Al Siisii.

Madaxwaynaha Masaarida, Cabdifitaax Siisi ayaa sheegay in shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Soomaaliya kaga dhawaaqay inay isku afgarteen Somalia ”in khatari ka imaan karto ficillada halka dhinac ah ee la xiriira biyo-xireenka webiga Niilka Buluugga ee Itoobiya kasoo bilaabma, kaasi oo ay xuddun u ah khilaafka iminka ka dhex taagan Masar-toobiya.

Arrintan oo ay aad uga gilgilatey Itoobiya waxay salka ku haysaa saami wadaagga biyaha Niilka Buluugga ah ee kasoo durdura dhanka Itoobiya.

Ha yeeshee, Somalia ayaa dhib ku qabta biyaha webiyadeeda oo aad u yaraaday marar badanna gurayey sanadihii ugu dambeeyey.

Falanqeeyaha Max’ed Xuseen Cadow ayaa sharraxay in 1985-kii ay Itoobiya ka diiddey Somalia in biyo-xireen wayn laga dhiso Baardheere, iyagoo ku doodaya inay saamayn ku yeelanayso taasoo aan micne samaynayn maadaama ay Somalia biyuhu ku dhammaadaane aysan kasoo bilaabmin.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media