“Waxay igu yiraahdeen waxba ma qabo balse subixii waxaan sariirta ku arkay isagoo buluug ah!”

0

(Stockholm) 16 Agoosto 2022 – Amir, oo 1 sano iyo bar jir ah, waxa qabtey qandho suuxdin keenaysey islamarkaana neefta ayaa ku dhegeysey muddo dhowr maalmood ah.

Ha yeeshee, dhakhaatiirta isbitaalka Södersjukhuset ee Stockholm waxay hooyadii Nagham ugu laab qaboojiyeen inaysan jirin wax khatar ihi.

Waxay ku dhiirigeliyeen inay xaafadda ku celiso kaddib markii ay sheegeen inay soo celiso haddii ay qandhadu ka jebi waydo, balse xitaa ma aysan baarin.

Subixii dambe markii ay doontay inay hurdada ka kiciso ayay sariirta ku aragtay isagoo buluug noqday oo uu afku kala taagan yahay waxaana loola orday isbitaalka balse waxba lagama qaban karin.

“Maalmaha qaar markii aan maqlo dhawaqa ambalaasta oo bannaanka ordaysa, aad baan u qayliyaa. Abidkay ma illaawi doono sidii uu wiilkaygu ahaa markii aan sariirta ka toosi is iri.” ayay ku calaacashay Nagham oo la hadlaysa Aftonbladet.

Tin yar oo ay hooyadii xusuus ahaan uga reebatay Amir

Rinji uu gacmaha ku sawiray xilligii Dags-ka

Hadalsame Media