Xaalka Salman Rushdie oo laga dayrinayo & Xog uu booliisku “qarinayo”

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2022 – Qoraaga Salman Rushdie, oo Jimcihii lagu tooriyeeyay xaflad suugaaneed oo ka dhacday gobolka New York, ayaa ku neefsanaya hawo-siiye mana awoodo inuu hadlo.

Waxa uu sidoo kale dhaawac ka soo gaarey beerka waxaana laga yaabaa in il ku waayo weerarka mindida ah ee lagu qaaday, sida uu sheegay wakiilkiisu.

WAA SIDEE XAALKU HADDA? Booliisku waxay xaqiijiyeen in Rushdie laga toorriyeeyay “qoorta ugu yaraan hal mar, iyo ugu yaraan hal mar oo caloosha ah” Jimcihii kaddib markii ninka wax weeraray uu masraxa kusoo orday oo uu mindida ku dhuftay qoraaga 75-jirka ah islamarkii la barayey dadwaynaha xafladda joogey.

Yeelkeede, Stacey Schlosser, oo goobjoog ka ahayd weerarka, ayaa sheegtay in Rushdie la toorriyeeyay lix ilaa sideed jeer kahor inta aan la xakamaynin qofka weerarka gaystey.

“Qofna ma garaneyn waxa la sameeyo. Qofna ma garanayn sida looga falceliyo. Waxaan ula jeedaa, waxaa jiray dad aad u tiro badan oo ku soo yaacay masraxa,” ayay tiri Schlosser.

Salman ayaa markiiba dhulka ku dhacay. Ninka weeraray waa Hadi Matar oo ah 24-jir reer New Jersey ah.

Kaddib markii diyaaradda loogu qaaday isbitaalka halkaas oo uu saacado ku qaatay qalliin, Rushdie waxa uu haatan ku neefsanayaa hawo-siiye mana awoodo in uu hadlo.

“Khabarku ma fiicna.” ayuu yiri Andrew Wylie, oo ah wakiilkiisa, mar uu email u qoray Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Qoraaga British-ka ah ee asal ahaan u dhashay Hindiya oo caan baxay 1981-kii, ayaa lagu khasbay inuu us qariyo sannadkii 1989-kii kaddib markii uu qoray buugiisa “Aayadaha Shaydaanka” kaasoo uu cambaareeyey hoggaamiyaha Iran ee Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa buuggan lagu aflagaadeeyay Qur’aanka laguna bandhigay sawir lagu sheegayo midka Nebi Muxamed (NNKH) aad uga xumaaday waxaana aga mamnuucay dalal dhowr ah.

Hadalsame Media