Ruushka oo soo bandhigay nidaam uu ku burburiyey daroonnada Ukraine + Sawirro

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – Ruushka ayaa haatan u muuqanaya mid gacanta ku dhigay in badan oo ka tirsan Gobolka Donbas ee bariga Ukraine oo ahaa hadafka dagaalkii uu ku qaaday dalkaasi 24-kii Febraayo.

Sida laga soo xigtey xog ay daabacday Wasaaradda Difaaca Ruushku, nidaamka difaaca cirka ee Osa-AKM (Maraykanku u yaqaan SA-8B “Gecko Mod-1”) ayaa meesha ka saaray in ka badan 100 bartilmaameed oo Ukraine ah.

Hannaankan oo ay Ruushku ugu bogeen burburinta bartilmaameedyada dhow iyo kuwa dhexe ayaa si gaar ah u baabi’iyey daroonnada Ukraime, inta lagu guda jirey waxa ay Ruushku ku sheegeen “howlgalka millateri ee Ukraine.”

Hadalsame Media