Millateriga Shiinaha oo soo saaray go’aan aysan jeclaysan doonin Taiwan (Arrin uu joogtaynayo)

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2022 – Millateriga Shiinaha ayaa sheegay in dhoollatuska ay ku samaynayaan agagaarka Taiwan uu sii socon doono, inkastoo qorshayaashii ugu horreeyey ee todobaadkii hore lagu sheegay inay socon doonaan illaa bartamaha Axaddii shalay.

Waxaa dhoollatuskan la bilaabay si uu jawaab celin ugu noqdo booqasho ay jasiiradaasi ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka, Nancy Pelosi.

Layliga Isniintan ayaa ka dhacaya badda iyo hawada u dhow jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan, waxaana diiradda lagu saari doonaa kahortagga maraakiibta quusta ama gujisyada iyo hawlgallo ay samayn doonaan maraakiibta berri-biyoodka ah ee ciidamada daadiya, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Taliska Bari ee Shiinaha.

Dhanka kale,Millateriga Shiinaha ayaa wixii hadda ka dambeeya samayn doona dhoollatus “joogto ah” oo ka dhacaya dhanka bari ee khadka dhexe ee Marin-biyoodka Taiwan (Taiwan Strait), sida uu sheegay TV-ga Dowladda Shiinuhu Axadii, kaasoo ay soo xigatey Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Khadkan dhexe waa khad aan rasmi ahayn oo xad ahaan u kala qaybiya Shiinaha iyo Taiwan taas oo maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha millteriga ee labada dhinac aysan inta badan dhaafin.

Hadalsame Media