KHAYRKII MADOOBAA: Waddan Muslim ah oo faa’iido rikoodh jebis ah ka helay macdan awal Ruushka laga iibsan jirey

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2022 – Inta badan dhaqaalaha Morocco ayaa la hardamaya sidii uu u nuugi lahaa mowjadaha naxdinta leh ee ka dhashay duullaanka Ruushka ee Ukraine, balse hal qayb oo dalkaa ka mid ah ayaa faa’iido wayn ka heshay: ganacsiga soo saarka macdanta foosfaytka.

Disruptions to the global supply chain following the beginning of the war pointed fertiliser importers in the direction of Rabat, which was already a leading producer of phosphate rock and a major exporter of raw phosphate.

Khalkhalka ku dhacay silsiladda sahayda caalamiga ah ee macdantan bilowgii dagaalkaasi kaddib, waxay dunidu farta ku fiiqeen oo u weecdeen dhanka Rabaad, si ay uga soo iibsadaan maadadan beeraha lagu bacrimiyo.

Marooko ayaa ka mid ahayd dalalka dhoofiya macdanta foosfaytka oo iskugu jirta mid diyaarsan iyo mid qeeriin intaba. Faa’iidooyinka uu dalkaasi helayo ayaa haatan aad u badan.

Intii lagu jirey rubuci hore ee sanadkan 2022, shirkadda ay Dowladdu leedahay ee OCP ee Morocco, oo qodda macdanta foosfaytka, dhagxaanta qaaliga ah, aashitada Fusfuurigga ah iyo agabka bacriminta, ayaa helay oo diiwaangeliyey dakhli dhan 2.4bilyan oo euro – waana koror dhan 77% marka loo eego sanadkii hore, isla muddadaas.

Bishii Maajo waxaa aad u kacay dalabka macdanta foosfaytka, waxaana ay taasi keentay in sicirku uu aad u koco, gaar ahaan maadooyinka qeerin sida amooniya iyo sulfur, maadaama ay Ukraine iyo Ruushku aad usoo saari jireen.

Hadalsame Media