”Iga iibsada caleenta ugu wanaagsan!” – Ninkii Yamaniga ahaa ee gumaysigii Ingiriiska iidhehda ku samaystay (Sheeko maad badan)

0
BRITISH FORCES IN ADEN, 1965 - 1966 (TR 24297) A British combined services police patrol in Crater, Aden. Lance Corporal Vivienne McCoy of 28 Independent Company, Women's Royal Army Corps with Leading Patrolman James Field, Royal Navy and Lance Corporal Shawn Westrip, Royal Military Police. Copyright: © IWM. Original Source: http://www.iwm.org.uk/collections/item/object/205124244

(Hadalsame) 08 Agoosto 2022 – Markii ay Ciidamadii ingiriiska qabsadeen Magaalada Cadan ee dalka Yemen, Waxay waayeen dad u turjuma fariimaha ay rabaan inay gaarsiiyaan bulshadii ku nooleyd Magaalada.

Sababtoo ah dadkii ku noola magaalada ayaa aad uga soo horjeestay inay la shaqeeyaan gumeystaha

Ingiriisku wuxuu doonaayey inuu magaalada ku faafiyo dhambaallo ay ku qoran yihiin erayo ay ku soo jiidan karaan reer cadan.

baadigoob dheer kaddib waxay heleen nin turjumaan ah oo lagu magacaabi jirey CUMAR BAAHABRI kaasoo aad u yaqaanney af Ingiriisiga.

Cumar wuxuu ahaa ganacsade caleenta shaaha ku iibiya suuqa Cadan,

fariintii ay diyaarsadeen ayuu ugu turjumay af Carabi waxayna bilaabeen inay waraaqihii ku qaybiyaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow.

Muddo kaddib waxaa magaalada yimi jeneraal sare oo ka tirsan ciidankii Ingiriiska oo aad af Carabiga u yaqaanney Waxaa si lama filaan ah gacantiisa ku soo gashay mid kamid ah waraaqihii magaalada lagu faafiyey.

Kadib ayuu weydiiyey Sarkaalkii ka mas’uulka ah qeybinta waraaqaha ” Ma taqaannaa waxa ku qoran waraaqahan aad magaalada ku qeybiseen?”

Wuxuu ku jawaabey: “Waa fariimo aan ku soo jiidaneyno dadka deggan cadan.”

Jeneralkii ayaa yiri: “Waraaqahan aad qaybiseen waxaa ku qoran “CALEENTA SHAAHA UGU TAYADA FIICAN KA IIBSADA CUMAR BAAHABRI!!

Waxaa Tarjumey: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media