4 arrimood oo aan wada socon balse ay isla wadaan DF Somalia, Maamul-goboleedyada, Masar & Itoobiya (Maxaan ka yeelnaa?!)

0

(Qaahira) 08 Agoosto 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar iyagoo 25-kii bishii hore ee Luulyo la kulmay MW Masar Cabdulfataax Al Siisii.

Madaxwaynaha Masaarida, Cabdifitaax Siisi ayaa sheegay in shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Soomaaliya kaga dhawaaqay inay isku afgarteen Somalia ”in khatari ka imaan karto ficillada halka dhinac ah ee la xiriira biyo-xireenka webiga Niilka Buluugga ee Itoobiya kasoo bilaabma, kaasi oo ay xuddun u ah khilaafka iminka ka dhex taagan Masar-toobiya.

Haddaba, Itoobiya oo adeegsanaysa qiil ah in Al Shabaab soo weeraray Gobolka ay maamusho ee Soomaalida, ayaa iyana gudaha usoo gashay Somalia, intaana kuma harine waxaa mar qura maamulladii isku sii daayey ciidamo ka socda Federaalka iyo Gobolka Soomaalida, taasoo gef iyo godob ku noqonaysa DF Itoobiya oo horay u sheegtay inaysan faragelin doonin ummuuraha gudaha Somalia markii uu xilka yimid RW Abiy Ahmed oo haatan u muuqanaya mid aan Somalia la heshiine Farmaajo oo qura la heshiis ahaa.

Hadddaba, waxaan qodobaynaa 4 arrimood oo aysan ahayn inaan ka yeellno DF Somalia, Maamul-goboleedyada, Masar & Itoobiya:

1 – DF Somalia ma aha inaan ka aqbalno inay dhex booddo arrimo aan hadda muhiimado qaran Somalia u lahayn amaba ka badan waxa aan calalin karno, sida inta la biqleeyo in la dhex boodo khilaaf kasta oo dunida ka taagan. Waxaasi waa wax ay Soomaalidu isku waajibiso (oppsession) ee cid nagu khasbaysa inaan khilaaf kasta ka hadalno ama dalal kasta oo is maaga mid la safanno ma jiro.

Tusaale, Turkigu dalal badan oo dagaallamay ama haatan dagaallamaya heshiis ayuu la wada yahay, hubkiisana wuu ka iibsadaa haddii ay is dilayaan waa dano iyaga u yaalla, laakiin inta is qiireeyo mid lama safto midna uma dhaarto. Uma baahni inaan markale idin xusuusiyo xaalka webiyadeenna, marka aan u doodayno Niilka Masar.

2 – Maamullada – Ragga madax ka noolka ah ee Maamul-goboleedyada qaar badan oo ka tirsan oo durba isku qorqoraya Itoobiya waxaa wanaagsan inay is ceebsadaan. Cidina ka yeeli mayso dalkana anfici mayso inay hoos imaanshiyaha DF Somalia ku xiraan haddba sida ay u arkaan qofkii kursiga ku fadhiya.

Dee markaa dalba ma lihin ee wuxuba waa qorshihii Danwadaagta ee sonkorta lagu xadi jirey. Waa khiyaano qaran iyo gumaysi kalkaalnimo in dal shisheeye oo weliba asaaggaa ah hoosta laga galo ama dalkii gacan shisheeye la geliyo si kursi yar oo rakhiis ah oo heer gobol ah loogu sii fadhiyo. Waxay ka dhigan tahay ama aan xaafad xukumo ama dalka halla gumaysto! Ma soconayso iyaduna.

3 – Itoobiya iyana ka yeeli mayno waana in loo sheegaa inaysan sidii naag masayrsan nagu soo ordin marka ay aragto Somalia iyo Masar oo isa salaamaya. Dabcan Somalia waa dal xora, Itoobiyana abidkeed ma hanan karto inay qorshe ka dhigato inay Somalia kala qaybiso si ay iyadu u jirto, taasi ma aha istaraatijiyad waari karta. Mana aha inay iska dhaadhiciso inay iyadu jaan-gooyn karto siyaasadda dibedda Somalia iyo ciddii ay la xiriirayso.

Aan is dayno iyo in uu dalba kan kale ixtiraamo, sidoo kalena iskaashi dhinacyo badan ah la sameeyo oo lakala faa’iidaysto ayaa Itoobiya iyo Somalia uga caano badan canaadka iyo is cilladaynta socota ee ay weliba Itoobiya horseedka ka noqonayso mar kale. Dabcan Somalia waa lagu doodi karaa in looga gar leeyahay inay faraha ka qaaddo wixii ka dhexeeya laba dal, laakiin taasi Amxaarada qiil u siin mayso inay iska soo galaan Somalia ama dhex boodaan arrimeheeda.

4 – Masar iyadana ka yeeli mayno inay nacasnimada siyaasiga ah ee Soomaalida (Our own political stupidity) ay ka faa’iidaysato oo ay nasoo xusuusato mar mar dhif ah oo markii ay u baahato ay noo il-jebiso si aan Amxaarada isugu maqiiqno oo maryo carun leh u kala furanno, balse aan halkaa ka qaadanno khasaaro istaraatiji ah.

Qiime ka wayn qarannimadeeda oo ay Somalia bixin lahayd ma jiro waana bixisay Somalia oo sababaha ugu waawayn ee loo dumiyey Dowladdii Somalia iyadoo dabcan la adeegsanayo reero ay isku soofeeyeen siyaasiyiin dhako-yar oo aan han waynayn waxaa koow ka ah heshiis la’aanta Somalia oo 30-kii sano ee ay dowladda ahayd la iman waydey wax uun caalamiyan u iibsami kara oo ay kula macaamisho dunida.

Amxaaro ayaan ku duuley dalkii tawaangida aan ridayey i siiyeyna waa Ruushe 24 saac ayaan dalkaygii uga saaray, dabcan waa siyaasad Soomaali qiiraysan, balse wax dunida ka shaqeeya ama ka shaqayn kara ma aha, ilaa haatanna waxaa muuqata inaynaan cashar baran 30 kale iyo suggood burbur ah.

Aan ku noqdee Masar yaynaan ka yeelin inay naga dhigto cad yar oo hilib ah oo Can-tallaal ah oo lagu qabto kalluunka wayn oo iyada u ah Itoobiya. Ka yeeli mayno taas.

W; Q: Maxamed Xaaji

 Hadalsame Media