Ukraine oo ay ku caddaatay arrin u qoonsan doonta lacag & hub fara badan oo ay heli jirtey reer Galbeedka

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2022 – Sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga ayaa dareemaya in lagu weeciyey eeddii ahayd inay ka soo horjeedaan $40 bilyan oo gargaar ah oo Ukraine loo qoondeeyey kaddib markii warbixin ay faafisay CBS News ay muujisay in kaliya 30% hubka reer Galbeedka ee ku qulqulaya waddankaasi ay dhab ahaantii gaareen safka hore ee dagaalka ay Kiev kula jirto Ruushka.

“Tani [waa] mid ka mid ah sababaha aan ugu codeeyay ‘maya’,” ayay ku doodday Wakiilka Maraykanka Marjorie Taylor Greene (R-Georgia) oo sidaa ku tiri Twitter-ka mar ay dib u soo daabacday warbixinta CBS News.

Greene waxa ay ka mid ahayd 57 xubnood oo Aqalka Hoose ugu jira Jamhuuriga ah ee ka codeeyey sharciga gargaar oo ballaaran, kaas oo si wayn loo meel mariyey bishii Maajo isaga oo taageero ka helaya dhammaan Dimuqraadiyiinta iyo badi sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga uu ku ansixiyay.

Sidoo kale Aqalka Sare ee Senet-ka ayay ka hor jeesteen 11 Jamhuuri ah, balse wuxuu ku ansaxa 86-11.

Sheekada CBS waxay xustay in ku dhowaad ​​60 bilyan oo Doollar oo ah gargaarka Maraykanka iyo Yurubta Galbeed loo ansixiyey Ukraine tan iyo markii uu bilowday duullaanka millateriga ah ee Ruushka bishii Febraayo, intiisa badan hubkaasu wuxuu ku guuldareystay inuu gaaro dagaalyahannada Ukraine.

Helitaanka hubka ee ciidamada waxaa ka sokeeysa in la dhex maro shabakad adag oo ah “rag awoodda leh, oligarchs [iyo] ciyaartoy siyaasadeed,” ayuu warqaadku kasoo xigtey aasaasaha koox gargaar oo Lithuanian ah, Jonas Ohman.

La-taliyaha sare ee Amnesty International ugu qaybsan dhanka xasaradaha, Donatella Rovera, ayaa u sheegtay CBS in “runtii aysan jirin wax macluumaad ah” oo ku saabsan halka uu hubkaasi u socdo ama aado.

Wakiil Aqalka Hoose ee Maraykanka, Lauren Boebert (R-Colorado) ayaa iyana sheegtay in baarista noocan ah la diidey kahor warbixinta CBS. “Immisa qof ayaa loogu yeeraa inay yihiin bots-ka Ruushka kaddib markii ay sheegeen isla wax la mid ah warbixintan tan iyo bishii Maarso? Hadda, markay CBS sheegtay, aad bay u fiican tahay. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaan ku faraxsan ahay xaqiiqooyinka hadda soo baxay. Inta badan gargaarka Ukraine waa mid musuq ku baxa.”

Senetarka Maraykanka ee Rand Paul (R-Kentucky) ayaa dib u dhigay codaynta senate-ka ee sharciga gargaarka Ukraine isagoo ku adkaystay inuu ku daray qodob ku saabsan magacaabista kormeere guud si uu ula socdo sida lacagta loo isticmaalayo.

Hadalsame Media