“Ma Taiwan oo laga kala yaacayo ayaanu aqoonsi ka doonaynaa?!” – Siyaasi caan ah oo saluugey qaabka ay Somaliland ku socoto (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2022 – Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay sida lagu heli karo aqoonsiga Somaliland, isagoo xusay inaysan sidan wax ku soconaynib.

“Somaliland 30 sanno oo dambe kuma sii noolaan karto bilaa aqoonsi,” Ayuu yiri  Prof Ahmed Ismail Samatar.

Wuxuu saluugey qaabka haatan loo raadiyo aqoonsiga ay doonayso. “Ma Taiwan baad u gaynaysaa? Taa iyada ayaaba laga yaacayaaye.” Ayuu yiri Samatar oo qiray in Taiwan ay iyaduba aqoonsi u baahan tahay.

Wuxuu kale oo xusay in la bedelo qaabka haatan isagoo soo jeediyey in la fasiro “qaddiyadda Somaliland”, sida uu yiri.

Halkan hoose kasii daawo…

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media