Ruushku oo sheegtay inuu Ukraine gaarsiiyey jugtii ugu xumayd ee dhanka saadka ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2022 – Millateriga Ruushka ayaa burburiyey kayd hub oo ku jirey bakhaar ku yaalla koonfurta Ukraine kaasoo lagu kaydin jirey rasaasta iyo gantaalaha NATO ay siisay dalkaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

“Aagga Voznesensk ee gobolka Nikolaev hub kayd ah oo gaaraya 45,000 oo tan oo rasaas ah oo dhowaan ay NATO siiyeen Ciidamada Ukraine Yukraine ayaa la burburiyey,” ayay Wasaaraddu tiri, iyadoo intaas ku dartay in ciidamada Ruushku ay sidoo kale burburiyeen shan bakhaar oo kale oo hub iyo rasaas ah.

Dhanka kale, Ciidamada Ruushka ayaa duqaymo ka fuliyey goob ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan Guutada 72-aad ee Tiknikada Ukraine meel beeralay ah oo ku taal magaalada Donetsk gaar ahaan Artemovsk, iyagoo mariyey ilaa 130 askari iyo siddeed gaadiid ah oo ay ku jireen kuwa gaashaaman, sida lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Horraan, Ciidamada Ruushka ayaa bartilmaameedsaday bakhaar kale oo ku yaalla gobolka Dnepropetrovsk ee dalka Ukraine, iyagoo burburiyay in ka badan 100 gantaal oo ah oo kuwa HIMARS ah ee uu Maraykanku sameeyey, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Wasaaradda Difaaca Ruushka Arbacadii.

Hadalsame Media