DAAWO: Saxaafadda Uganda oo daadisay jadwalka MW Somalia (Meelo ka baxsan Kampala oo uu tegayo & sababta)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 – MW Somalia, Xasan Sheekh, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta oo ah 8-da bishan uu booqdo dalka Uganda, isagoo halkaa ku joogaya booqasho rasmi ah oo 3 maalmood ah lana kulmaya MW Yuweri Museveni.

Waxaa inta ay booqashadu socoto jiri doona kulan ganacsiga looga arrinsanayo oo dhexmari doona labada dal oo ku qabsoomi doona Speke Resort Munyoyo.

Inta uu booqashada rasmiga ah ku jiro, wuxuu MW Somalia, Xasan Sheekh, tegi doonaa Kapeeka Industrial Park iyo NEC Industries oo ku yaalla Degmada Nakasongola.

Degmada Nakasongola waa degmo ku taalla Gobolka Bartamaha Uganda. Hala magaalada Nakasongola ay tahay xarunta Maamulka degmadaa ka taliya.

Waxay deeto Speke Resort Munyoyo iskugu iman doonaan dhiggiisa MW Yuweri Museveni, halkaasoo lagu qaban doono madal ganacsi oo ay goobjoog ka noqonayaan madax iyo ganacsato ka kala socota labada dal. MW Somalia ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsatada Somalia ee ku sugan Uganda.

Kulanka labada dal ayaa salka ku haya heshiis ay gaareen 2016-kii oo saamaynaya dhinacyada wasaaradaha, waaxaha iyo wakaaladaha dowladeed, wada tashiga siyaasadeed ee arrimaha dibedda, difaaca iyo ammaanka, booliiska, gaadiidka cirka, ganacsiga iyo maalgashiga, caafimaadka, beeraha, xoolo dhaqashada, qaxootiga, adeegyada maaliyadda, dalxiiska iyo dhaqanka iwm.

Hadalsame Media