Shiinaha oo ka dhabeeyey go’aankiisa (Pentegon-ka oo ay telefoonnadii ka qaban la’yihiin)

0

(Beijing) 06 Agoosto 2022 – Xilli uu Shiinuhu sii wado dhoollatuskiisa millateri ee deg degga ah ee agagaarka Taiwan isagoo ka aargudanaya tillaabadii Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi oo Tawain ku tagtay booqasho ay ”daandaansi” ku tilmaameen, waxay Shiinuhu qaadeen tillaabo kale.

Saraakiisha ugu sarreeysa millateriga Shiinaha ayaa diidey inay ka jawaabaan wicitaannada dhigooda ah Pentagon-ka, sida laga soo xigtey warqaadka aad siyaasadda ugu dhuun daloola ee Politico.

Beijing ayaa la sheegay inay diiddey dhowr wicitaan oo uga yimid Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin iyo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Maraykanka, Jeneraal Mark Milley maalmihii la soo dhaafay, sida laga soo xigtey “saddex qof oo aqoon u leh isku daygaasi.”

Xiriirkii ugu dambeeyey ee Milley uu la yeeshay Abaanduulka Shiinaha, Jeneraal Li Zuocheng, ayaa dhacay Luulyo 7, halka Austin uu la kulmay Wasiirka Difaaca Shiinaha, General Wei Fenghe, shakhsi ahaan markii ugu dambaysey bishii Juun.

Shiinaha ayaa go’aansaday inuu jaro xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Maraykanka dhowr meelood oo millateriga iyo rayidka saamaynaya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ku dhawaaqday Jimcihii shalay.

Hadalsame Media