EAC oo wefdi u diraysa Somalia & goorta ay imanayaan? (3 faa’iido oo ay Somalia ku kordhinayso ururka)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 – Xoghaynta Guud ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa qorshaynaysa in ay Somalia u soo dirto koox xaqiijinaysa inay u qalanto in ay ku biirto ururka ganacsiga Bariga Afrika iyo in kale.

Ra’iisul Wasaare Xigeenka Koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Bariga Afrika, Rebecca Kadaga, ayaa sheegtay in kooxdan la filayo in ay booqdaan Soomaaliya kahor dhamaadka sanadkan.

Tillaabadan ayaa daba socotey wareegto kasoo baxday shir-madaxeedka EAC ee lagu qabtay Arusha, Tanzania todobaad kahor.

Julius Bukyana ayaa isna sheegay in Somalia ”aysan wax badan haatan miiska soo saaraynin”, balse kusoo biiristeedu ay gobolka isu soo dhowaynayso oo ay keenayso isku duubni, sidoo kalena ay kordhinayso galaangalka iyo gorgortanka EAC iyo xitaa ammaanka Somalia, sida uu yiri.

Ronex Tendo Kisembo, oo an nin wax gorfeeya ayaa sheegay in Somalia ay 2-3 faa’iido kusoo kordhinayso baloogga EAC haddii ay ugu dambayn kusoo biirto.

1 – Inay leedahay badda ugu wayn marka la eego dhammaanba dalalka xubnaha ka ah ururka oo bad xiran u badan ama aan lahayn xeebo u dhigma Somalia.

2 – Mar kasta oo uu ururku ballaarto waxaa kordhaya fursadaha ganacsi iyo isu socod.

3 – Somalia haddii ay kusoo biirto waxay xoogaysanaysa awoodda gorgortan ee EAC marka ay la xaajoonayso ururrada kale ee caalamiga ah sida EU iyo baloogyada kale ee qaaradda Afrika IWW.

Hadalsame Media