Waa kee wasiirka aan laga maarmi doonin oo ka maqan Xukuumadda RW Xamse Barre

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Waxaa la dhisay Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo RW Xamse Cabdi Barre, taasoo ka kooban wax ka badan 70 Wasiir marka la isu wada geeyo dowlayaasha iyo xigeennada.

Yeelkeede, marka laga yimaado tirada badan, waxaa misna saluugan tayada howl-fulineed ee xubnaha ku jira Golaha Wasiirrada oo aysan qaarkood ahayn kuwo kasoo bixi kara shaqada loo igmaday, qaar horay loo yaqaanney bandhiggooda howleed iyo qaar aanba abid xitaa karraani ka noqon xafiis dowladeed, iska daa wasaarade.

Waxaase jira hal khalad oo markiiba la garan karo, waana bedelidda Wasiirkii Maaliyadda ee Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kaasoo muhiimad wayn u lahaa xukuumaddii ugu dambeeysey 2 sababood oo uu merit-kiisa ama istaahilkiisa ku helay oo kala ah:

1 – Inuu yahay nin farsamo yaqaan ah (technocrat) shaqadiisa xirfad rasmi ah u leh oo yaqaan ama fahamsna sida ay u shaqeeyaan hay’aadka maaliyadeed dunida gaar ahaan kuwa Galbeedka ee loo yaqaan Bretton Woods oo haatan iyagu horseed ka ah far iyo suulinta dhaqaalaha adduunka.

2 – Inuu ahaa ninkii DF Somalia ku xirayey labada hay’adood ee IMF & Bankiga Adduunka oo lacago badan siinayey DF Somalia, islamarkaana haya galalka muhimka u ah dayn cafinta iyo helitaanka kharashaad kale oo horumarin iyo miisaaniyad kabisba leh.

FG: Dr Bayle eedo badan oo loo jeedin karaa waa jiraan laakiin waxaan ka hadlaynaa yaa ugu roon meesha.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media