”Hanna gelinin!” – Midowga Yurub oo Maraykanka tusay inaysan kaalmo ula soo ordi doonin haddii uu Shiinaha isku taago (Ukraine oo kaalmada laga jari karo)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Haddii xiisadda Shiinaha ee ku saabsan Taiwan ay faraha ka baxdo, waxaa laga yaabaa inay meesha ka saarto taageerada Maraykanka ee Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka, sida ay ka baqayaan saraakiisha Midowga Yurub.

In dareenka cadawtinnimo ee Washington ee haatan ku fooggan Moscow uu u wareego dhanka Beijing waxay noqon doontaa “xaaladdii ugu xumayd” ee soo wajahada xubnaha NATO ee Yurub, sida uu Politico kasoo xigtey diblomaasi reer Yurub ah.

Waqtigan xaadirkan, iska horimaadka u dhexeeya Washington iyo Beijing waa mid afeed, kaasoo ka dhashay booqashadii aan lasii shaacin ee ay Taiwan ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, balse waloow aysan arrin NATO, misna “si sahlan ayay cirka iskugu shareeri kartaa,” sida ay ishan diblomaasiyadeed sheegtay.

Wargaysku wuxuu kala hadlay dhowr ilo oo Midowga Yurub ah sida ururka dhaqaalaha Midowga Yurub oo haatan sii inta hore ka badan usii hoos gelaya saamaynta Maraykanku uu u arko xiisadda Taiwan.

Politico ayaa xustay in ilaa dhowaan inta badan wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay si taxadar leh uga hadlayeen faallooyinkooda guud ee ay ka bixinayeen wixii ku saabsan Taiwan iyo xafiiltanka Maraykanka ee Shiinaha, oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu wayn ee Midowga Yurub.

Tani waxay ka duwan tahay fan-hadalka xubin hore oo Midowga Yurub ku meteli jirey UK, halkaas oo labada murashax ee hoggaanka xisbiga Tory Party ay doonayaan inay qabtaan hoggaanka kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaya ee Boris Johnson uu ballanqaaday inuu ku adkayn doono Beijing.

Wasiirkii Maaliyadda Rishi Sunak iyo Xoghayihii Arimaha Dibeda Liz Truss ayaa si isku mid ah u ballanqaaday inay sii wadi doonaan siyaasada arimaha dibedda ee adag iyadoo uu mid waliba uu u ololeeyey codadka xubnaha xisbiga.

Hadalsame Media

Facebook Comments