Maxay dadku ku maageen Mukhtaar Roobow? (3 meelood oo muhim ah)

0

Mukhtaar Roobow oo uu magaciisa xarrakiga ihi yahay Abuu Mansuur ayaa ka mid noqday Golaha Wasiirrada ee ansixinta u madlan ee uu amaamuday Wasiirka Koowaad Xamse Cabdi Barre.

Roobow ayaa xabsi lagu ogaa kahor inta aanu kasoo muuqanin safka Golaha Wasiirrada taasoo ay dad badani ku tilmaameen laba arrimood oo aysan qurxoonayn inay ugu yaraan isku xigsadaan.

Yeelkeede, waxaa jira dad la dhacsan xilka loo magacaabay Roobow oo ay qaarkood ku doodayaan inay dhiirrigelin u noqonayso kooxaha doonaysa inay kasoo baxaan afkaaraha xag-jirka ah iyo qaar kale oo wax u difaacaya qaabkii feero-beelka ahaa ee iska qiiraysnaa.

Ha yeeshee, dadka diiddan ayaa cuskanaya 3 qodob oo muhim ah oo ay inta badan ku salaynaan doodooda, waloow ay jiri karaan qaar qaba qodobo kale:

1 – Inuusan raalligelin buuxda marna bixin islamarkaana aan la marsiinin nidaam sugan oo lagu hubinayo waxa uu ra’yigiisu yahay 360 digrii kahor inta aan ummadda lagu sii daynin, ama kaba darane aan xil wayn loo dhiibin.

Nidaamkii hore ee Farmaajo ee Xamar keenay si ay yara deg degi ku jirto ayay wax kasta u wajeheen markii ay jidadkooda siyaasiga ihi is gooyeenna waa kuwii Xabsi guriga geliyey kaddib rabshado dhiig ku daatay oo Baydhabo ka dhacay.

2 – Inaan geeddi socod la gelin, isla deg degtii kooxdii hore ayay ku dhaqaaqeen nidaamka cusub ee MW Xasan Sheekh, waayo dad baa walow ay diiddan yihiin in wasiir horay looga dhiibo sideedaba, misna qaba inay dadku magacaabistan yara liqi kari lahaayeen haddii ninka lasoo saaro oo uu waraysiyo bixiyo, meelaha qaarna su’aalo adag laga waydiiyo, si loo ogaado waxa uu qabo, taasoo lagu dhaqaaqi karey isla markii uu guulaystey MW haatan.

3 – In dadka qaarkii ay magacaabistiisa oo idil u arkaan turub siyaasadeed oo lagu boollaynayo jookarka Lafta-gareen, sida ay dad badani u arkayaan wasiirro kale oo magacaaban.

Taasina waxay carafta iyo samadoonnimada ka dilaysaa siyaasadda la doonayo in dalka lagu dejiyo oo u baahan curfi iyo wax caymin badan. Taasoo ka tarjumi lahayd halkudheggii ”Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media