Xurguf wayn oo soo kala dhex gashay Maraykanka & Ukraine (Halka ay xiisaddu ka aloosantey?)

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022 – Waxaa jirta “kalsooni darro qoto dheer” oo u dhaxaysa Maamulka Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden iyo dhiggiisa Ukraine, Vladimir Zelensky, sida lagu sheegay maqaal lagu daabacay New York Times.

Maraykanka ayaa ilaa hadda ah taageeraha ugu xooggan Ukraine dhanka colaadda kala dhexaysa Ruushka, isaga oo balaayiin Doollar ku bixinaya gargaar millateri iyo sirdoon, laakiin sida uu qabo Thomas L. Friedman oo ah khabiirka arrimaha dibadda ee wargayska, xiriirka Washington iyo Kiev ma aha mid u fiican sida uu u muuqdo.

“Si gaar ah, saraakiisha Maraykanku waxay aad uga walaacsan yihiin hoggaanka Ukraine,” ayuu yiri Friedman, oo ah saddex jeer ku guulaystey abaalmarinta Pulitzer ee saxaafadda, ayaa qoray.

“Waxaa jirta kalsooni darro qoto dheer oo u dhaxaysa Aqalka Cad iyo Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky – si aad ah uga badan inta dadka loosoo bandhigo,” ayuu raaciyey.

Qoraaga NYT ayaa ku tilmaamay go’aanka Zelensky uu ku eryay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Irina Venediktova iyo Madaxa Adeegga Amniga Qaranka (SBU), Ivan Bakanov, bartamihii bishii Luulyo “sheeko qosol badan oo ka socota Kiev.”

Friedman waxa uu xusay in aanu wali arag wax war ah oo ka soo baxay warbaahinta Maraykanka oo “si lagu qanci karo u sharraxaya” sababihii ka dambeeyey ruxashadii ugu waynayd ee ka dhacday xukuumadda Kiev tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka uu Ruushku ku qaaday 24-kii Febraayo.

“Waxay u eg tahay inaynaan doonaynin inaan si dhow u eegno wax ku hoos hulaaban daboolka Kiev cabsi laga qabo waxa musuqmaasuq ama nacayb aan arki karno, xilli aan durba wax badan ku maalgelinay oo u hurnay dalkaas.” ayuu qoray.

Nidaamka Kiev, gaar ahaan Madaxwaynaha ayay sidoo kale isku dheceen dalal badan oo Galbeed ah sida Jarmanka, Poland, Hungry iyo qaar kale.

Hadalsame Media