Qiso cashar nololeed ah oo nin Muslim ah ku qabsatay dalka Japan

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2022 – Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Sucuudiga ayaa Boggiisa Facebook waxa uu ku soo qoray “Waxaan degay mid ka mid ah Hoteellada 5 xiddiglaha ah ee waddanja Japan.

Anigoo ku dabaalanaya Barkadda Dabaasha Hoteelku leeyahay oo cidina aysan ila joogin ayaan ku dhex kaadiyay barkaddii dabaasha, Alarm ayaa yeeray waxaana yimid shaqaalihii Hoteelka barkaddii ayay iga soo saareen.

Biyihii oo idil ayayna ka saareen swimming pool-koo wayna nadiifiyeen, kaddib ninkii shaqaalaha ahaa ee qaabilsanaa soo dhoweynta ayaa isiiyay baasaboorkeygii isagoo igu amray inaan Hoteelka isaga tago.

Waan ka tegey laakiin mar walba oo aan Hoteel kale kireyso is iraahdo waxaa la ii soo celiyaa baasaboorkaygii, waxaana la igu yiraahdaa sow adigu ma tihid ninkii….

Dhowr Hoteel oo aan isku dayay inaan seexdo waa la iga diiday iyagoo iila dhaqmaya isla sidii.

Kaddib waxaan maciin biday safaaraddeydii, waxaana ay igula taliyay inaan dego Hoteel aan Barkad dabaal lahayn.. intaa kaddib markii aan ka soo tegayay Japan nin ka mid ah raggii ka shaqeynayay socdaalka iyo baasaboorrada ayaa markii uu tiimbareeyay baasaboorkaygii wuxuu igu yiri ; waxaan rajeynayaa inaad wax ka faa’iideysatay cashirkii laguu dhigay!!!!”

Macnaha Japan idilkeed way ogaatay inuu isku kaadiyay.
شاب سعودي يتبول تحت الماء في مسبح بفندق ياباني, انظروا ماذا حصل له.

# شاب سعودي كتب على صفحته في الفيس بوك : ( كنت نزيلا في أحد فنادق الخمسة نجوم باليابان وبينما أنا في المسبح التابع للفندق الذي لم يكن فيه أحد غيري تبولت تحت الماء، عمل جهاز الإنذار وحضر العمال واخرجوني من المسبح وافرغوا الماء ونظفوه، بعدها سلمني موظف الإستقبال جواز سفري طالبا مني مغادرة الفندق، غادرت الفندق وكلما دخلت فندقا اخر يطلع موظف الاستقبال على جواز سفري ويقول لي : ” اسف أنت الذي …. ” إ ولا يسمح لي بالنزول، حاولت في عدة فنادق وكانت نفس المعاملة فلجأت إلى السفارة الذين بدورهم نصحوني بفندق ليس فيه مسبحا وعند مغادرتي لليابان قال لي موظف الجوازات بعد أن ختم جواز سفري ” ارجو أن تكون استفدت من الدرس ” ).

اليابان كلها عرفت انه باااااال.

W; D: Yaxye Yuusuf

 

Hadalsame Media