Xaalad amniga saamaynaysa oo lasoo deristey shaqaalaha QM ee Somaliland (Talooyin cusub)

0

(Hargaysa) 04 Agoosto 2022 – Qaramada Midoobey oo fariin u dirtay shaqaalahooda ku sugan Somaliland

Qoraal ay soo saartay hay’adda amniga ee Qaramada Midoobey ee magaceeda loo soo gaabiyo UNDSS , ayaa lagu sheegay in ciidamo gaar u ahaa illaalinta xarumaha Qaramada Midoobey ee magacooda loo soo gaabiyo SPU loo qorsheeyay ka hortagga mudaharaadyada la filayo in ay dhacaan maalmaha soo socda.

Waxaana ciidan dheeraad ah lagu daad gureeyay gudaha magaalada Hargaysa si ay uga hortagaan mudaharaadka, ayaa lagu yiri qoraalka oo uu xigatey Saab TV.

Waxa ay arrintani keentay in ay yaraadaan ciidankii ilaalin jirey xarumaha Qaramada Midoobey, iyada oo la tixgelinayo xaaladda iyo ciidamada ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobey ee la yareeyey waxaa wada tashi lala sameeyey xafiiska amniga Qaramada Midoobey ee Hargaysa.

Waxa la badeley habkii loo shaqayn jiray, iyada oo shaqaaluhu ay bilaabeen shalay oo ahayd Agoosto 3, inay guryaha ku shaqeeyaan ilaa amar dambe kasoo baxayo.

Dhammaan shaqaalaha qaramada Midoobey ee farriinta loo diray waxaa la siiyey tilmaamo iyo talooyin ay ku jiraan:

1 – inay feejignadan oo ay dib u eegaan talo bixinta ammaanka.

2 – Inay la socdaan diigniinta ammaanka ee ugu dambaysey ee ay bixisay Hay’adda UNDSS ee ay soo marisay habka elektaroonigga ah, sida ogaysiisyada iyo talooyinka amni ee uu soo saaray xafiiska amniga Qaramada Midoobey ee Hargaysa.

Hadalsame Media

Facebook Comments