“Waxaan ku ridaynaa gantaalo!” – Shiinaha oo ka hadlay waxa ay samayn karaan haddii ay Pelosi soo gasho Taiwan

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – Diyaaradaha dagaalka Shiinaha ayaa laga yaabaa inay gantaalo ku hor ridaan diyaaradda sidda Nancy Pelosi, haddii Afhayeenka Aqalka Hoose ee Maraykankay ay ugu dambayntii isku daydo inay ka degto jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan, wargayska dowladda Shiinaha ee Global Times ayaa ka digey maanta.

Taiwan laguma xusin magacyada meelaha ay ku socoto Pelosi ee Aasiya, oo ay ku jiraan Singapore, Malaysia, South Korea iyo Japan, laakiin warbixinnada warbaahinta, oo soo xiganaya mas’uuliyiinta Washington iyo Taipei, ayaa soo jeediyey inay weli u duuli karto jasiiradda.

Beijing, oo u aragta Taiwan qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkeeda marka la raaco siyaasadda Hal-Shiine, ayaa ka carootey wararkaas, waxayna wacad ku martay inay tillaabo qaadi doonto si ay uga hortagto inuu dhaco safarkan laga hadlayo.

Global Times has detailed in its article the means that China could employ to stop Pelosi and her entourage, which came out on the day when the speaker was expected to arrive on the island.

Global Times ayaa maqaalkeeda ku faahfaahisay  micnaha uu Shiinuhu u adeegsan karo joojinta Pelosi iyo xubnaha la socda, taasoo soo baxaysa maalintan la filayo inay afhayeenaddu timaado jasiiradda.

Chinese military aviation expert Fu Qianshao told the English-language outlet that the country’s air force was capable of regular patrols around Taiwan, meaning that the US official’s attempt to reach the island won’t go unnoticed.

Khabiirka arrimaha cirka ee millateriga Shiinaha, Fu Qianshao, ayaa u sheegay warbaahinta afka Ingiriisiga ku hadasha in Ciidamada Cirka ee wadankiisu ay awood u leeyihiin in ay si joogta ah u roondeeyaan hawada Taiwan, taasoo la micno ah in isku dayga sarkaalladda Maraykanku ay ku doonayso inat ku gaarto jasiiradda ay Shiinuhu ogaan doonaan una digi doonaan.

“Haddii diyaaradda Pelosi ay soo gasho aagga roondada, waa inaan qaadnaa tillaabooyin si aan meesha uga saarno, u qabanno, u gelbinno, una dirno digniin raadiye,” ayuu yiri.

Laakiin haddii tillaabooyinkaas ay shaqayn waayaan oo “Pelosi ay sii socoto, diyaaradaheenna dagaalku waxa laga yaabaa inay gantaallo ka hor ridaan diyaaradda Pelosi qaab digniin dheeraad ah.” Ayuu Fu ku adkaystay.

Hadalsame Media