Taiwan oo diyaarisay dayuurado gujisyada ugaarsada & Shiinaha oo QM digniin culus kasoo saaray (Halkee safka madaxtinnimada ka joogtaa Pelosi?)

0

(Taipei) 02 Agoosto 2022 – Taiwan ayaa darabtay diyaarado Mirage 2000 ah oo ah nooca Faransiis-sameega ah iyo qalab kale oo millateri, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, kahor inta aan la gaarin booqasho suurtagal ah oo ay halkaa ku imaan karto Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Pelosi.

8 diyaaradood oo dheeri ah ayaa lagu biiriyey Saldhigga Cirka ee Chihhang, iyadoo lagu daray labada diyaaradood oo Mirage 2000 ah kuwii horeyba halkaas ugu sugnaa, sida uu qorayo China Times oo fadhigiisu yahay Taiwan.

Saldhiggu wuxuu ku yaallaa qaybta koonfur-bari ee jasiiradda, halkaas oo la filayo in diyaaradda Pelosi ay ku soo wajahan tahay, ayuu yiri warqaadku. Xarunta ayaa la geliyey heegan sare, ayay raacisay jariidaddu.

Dhanka kale Ciidamada Badda ee Taiwan ayaa halkaa geeyey laba helikobter oo dheeri ah oo ah noocyada ilaaleeya gujisyada si ay u ilaaliyaan biyaha u dhow jasiiradda, ayaa lagu yiri warbixinta.

Yeelkeede, booqashadan suurtagalka ah ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi ay ku tagto jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan waxay wiiqi kartaa xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, sida uu ka digey Danjiraha Beijing ee Qaramada Midoobey, Zhang Jun, isagoo hadlay xilli ay Pelosi oo safka 3-aad kaga jirta jagada madaxtinnimo ee dalka Maraykanku ay maanta oo Talaado ah ka degi karo Taiwan, wax noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyey ee halkaa taga tan iyo 1997-kii.

“Booqashadan oo kale waxay u muuqataa mid khatar ah oo daandaansi ah.” ayuu ku qayliyey Zhang Jun oo warbaahinta xog-siinayey maanta oo Talaado ah.

Hadalsame Media