Su’aal waaqiciga ah ee weli ka taagan wasiirnimada loo dhiibey Mukhtaar Roobow?!

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – Waa xagjir hore oo mabda’a gaaleeysiinta ah ku soo dagaalamay, dadna ku soo dilay. Dhallinyaro badan ku dhiirigeliyey inay is-haligaan oo ay dad kale martaan.

Falal arxandaro ah oo ay gaysteen kooxaha diinteena suuban ka been sheega ayuu sheegan jiray kuna tilmaami jiray jihaad, isagoo warbaahinta la hadlaya, Xili dadkii ehelkoodu ay ku dhinteen falalkaas ay ooynayeen.

Saaxiibadiisii dhunsanaa markay is khilaafeen oo uu lafihiisa kala soo cararay cidna isaga wax dambi ah uma raacan, oo kuma soo oogin dacwad. Hadda waxaa loo magacaabay wasiir.

Ma kula tahay in dhiiggii ay isaga & kooxihii uu ka tirsanaa ay daadiyeen ugu dambayn wasiirnimo lagu helay? Mise kula tahay in Roobow oo aan si buuxda u qirin in uu fikirkii xagjirnimada ah ka haray Wasiir lagu abaalmariyo?

Mase kula tahay inay dhiirigelineyso in la soo dagaalamo si wasiirnimo loo helo?
Ma is leedahay wasiirka diinta inuu ku shaqeyn karo/ku haboon yahay maadaama dariiqooyin badan oo culimada ka tirsan uu hore u gaalaysiiyey?

W; Q: Jibriil C. Macallin

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media