”Waxaan ridney rasaas nool!” – Shiinaha oo ku dhaqaaqay arrin ka duwan jawaabtii laga filayey kaddib markii ay Pelosi tagtay Taiwan

0

(Beijing) 02 Agoosto 2022 – Beijing ayaa bilowday inay dhoollatus millateri ka samayso Taiwan kaddib markii ay ballanqaaday inay bilaabayso “howlgal millateri oo taxane ah” taasoo jawaab u ah booqashada Afhayeenka Aqalka Wakiillada Congress-ka Maraykanka, Nancy Pelosi, ee jasiiradda iskeed isu maamusha, sida ay sheegtay warbaahinta Shiinuhu.

“Aagga bari ee taliska dagaalka ee PLA ayaa si joogto ah u fulinaya hawlgallo millateri oo xiriir ah oo isdaba joog ah kuna saabsan jasiiradda Taiwan,” ayuu sheegay CCTV saacado kaddib markii ay Pelosi uu gaartey jasiiradda.

Pelosi ayaa ka degtey Taipei goor dambe oo maanta ahayd in kasta oo ay soo noqnoqotay digniino ka yimid Beijing oo ka dhan ahaa isku dayga in ay booqato dhul ay u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah Shiinaha.

“Ciidanka Xoraynta Dadka Shiinuhu waxay ku jiraan heegan sare waxayna bilaabi doonaan hawlgallo millateri oo taxane ah si ay uga hortagaan arrintan, si adagna u difaacaan madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed, ayna si adag uga hortagaan faragelinta dibedda iyo ‘madax-bannaanida Taiwan’ isku dayada gooni-goosadka,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Wu Qian, isaga oo aan bixin wax faahfaahin dheeraad ah.

Bayaan kale, Taliska Bari ee Shiinaha ayaa ku dhawaaqay dhoollatus millateri oo wadajir ah oo ay ka sameeyeen xeebaha Taiwan, rasaas toos ah oo nool iyo tijaabo gantaalo ayay ka bilaabeen marin-biyoodka Taiwan iyo badda bariga Taiwan.

Hadalsame Media