Qiimayn lagu sameeyey korontada Afrika (Somalia imisa dal ayay ka koronto fiican tahay?)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – Dalka Somalia ayaa kasoo kabanaya burbur xooggan oo ka raacay dagaallo sokeeye oo muddo dheer ka holcayey welina dambeeya.

Dagaalladaas ayaa waxaa ku burburay kaabayaashii dhaqaale ee dalka, balse dadaallp iyo adkaysi shacbawi ah ayaa keenay in meelaha qaar ay Somalia xitaa iga fiicnaato dalal aan burburin.

Waxaa haatan qiimayn lagu sameeyey helitaanka korontada ee dalalka Afrika waxaana boos meel dhexaad ah gashay Somalia.

Somalia ayaa koronto haysata 49.7% iyadoo ka fiican dalal badan oo Afrikaan, walow ay aad qaali u tahay korontada Somalia.

Hadalsame Media