KU BIIRI AQOONTAADA: Maxaad kala socotaa Mashruuca Maskax-mayrka?!! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – MASHRUUCA MASKAX-MEYRKA – Maskaxdu waa xubinta uu aadamigu ku heley mudnaanta uu kaga saadcaleeyey noolaha kula dhaqan uunka. Waa agabka xakameeya awoodaha garashada oo aadamigu la gaarka yahay. Awoodahaas ayaa waxay isugu jiraan feker, aqoon, hal-abuur, xukun, luqad iyo xasuus. Maskaxda waa fagaaraha garaadka iyo garashada qofka aadamiga ah.

Waxay leedahay awood ay ku qiyaasto, wax ku tifafirto, wax ku kala garato, waxna ku qaddariso. Waxay masuul ka tahay habaynta dareenka iyo caadifadda, taas oo horseedda dabeecado iyo ficillada qofka. Maskaxda, in-kasta oo ay ahayd welina tahay xubnaha jirkayaga midda ugu cajiibka badan, aqoon-yahannadu waxay weli ku howlan yihiin sahanka hababka ay u shaqeyso.

Maskaxda oo ah xubin ku dhex asturan qalfoofka lafaha madaxa, ayaa waxay tahay makiinad la-yaab leh oo soo saarta xisaabaad qallafsan iyo malayaal fikrado ah, kuwaas oo ay ku hageyso qofkeeda. Waxay maamushaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada iyo fal-celinta hawlaha uu qofku kala kulmayo nolosha. Waxay masuul ka tahay dhacdooyinka la-mahadiyo ee jirka kuwooda ku yimaada ku tala-galka iyo kuwooda aanan ku tala-galka ahayn.

Iyada oo ay ku xiran tahay hadba ayniga shaqada uu jirku qabanayo, ayaa maskaxdu waxay shaqaysaa hadba inta laga adeegsado. Waxaa kale oo caqligu uu ka jawaabaa su’aalaha ku yaacsan fahamka anshaxa iyo uunka metafiisikada.

Dood badan oo muddo dheer socotay ayay aqoon-yahannadu geliyeen farqiga u dhexeeya caqliga iyo maskaxda. Natiijada sahankooda waxay la dhaafi-weydey in caqliguna yahay xubinta ka masuulka ah ficillada dareenka, maskaxduna ay tahay xubinta ka masuulka ah ficillada anshaxa iyo caadifadda.

Kitaabka dahiran ee Quraanka ah wuxuu adkeeyey fahamka ah in caqligu yahay xubinta haleesha xaqiiqada nolosha. Wuxuu ku sheegayaa in uu yahay aragga ruuxiga ah oo ayan ahayn in xijaab kala dhex-galo qofka iyo xaqiiqada nolosha.

Gebi ahaan aayadaha Quraanka ah ee xusaya caqliga waxay ku yimaadeen qaab ficil ah oo ay tahay shaqada uu caqligu qabanayo. Waxaa halkaas ka muuqda ahmiyadda ay leedahay in caqliga laga shaqeysiiyo. Haddaba haddii uu caqligu noqdey xubinta hageysa qofka iyo fikradihiisa, diinta islaamku waxay caqliga ku dartey hantida qiimiga leh oo ay waajib tahay in qofku ka xafido wasakhda iyo wixii calwinaya oo ay ugu horeeyaan noocyada maan-dooriyaha.

Qallafsanaanta ay nolosha ku soo kordhisey il-baxnimada casriga ah waxay dhalisey, wax walba oo suuragal ah iyo wax walba oo aanan suuragal ahayn in la geliyo tijaabo.

Fikradaha sheydaaniga ah oo ku soo kordhey aqoonta waxaa kamid ah in lagu fekero maskaxda qof aadami ah oo kula mid ah inta la xalo dabadeed lagu guro ogaallada aad ka dooneyso si aad u adeegsato, waxay kamid tahay aragtiyada sheydaaniga ah ee nolosha ku soo kordhey qarnigii tegey, kuwaas oo lagu luggoynayo aadamiga. Dhiqidda wax walba waa hufid laga nadiifinayo wasakh saaran oo u muuqanaya in ay dhibaato ku heyso qofka wax nadiifinaya.

Caqligu waa hanti eebbe uu ku maneystey aadamiga. Isla-markaas waa xubinta guddoomineysa go’aamada caarran ee uu qofku kaga daneysanayo masaalixda dunidiisa. Ogaallada ku keydsan caqliga iyo fikradaha wanaagsan ee uu caqligu curiyo goorta laga shaqeysiiyo ayaa waxay yihiin badeecad qiimi badan ee qofka aadamiga ah uu si joogto ah u masruufan karo noloshiisa ideylkeed.

Waxaa kale oo mucjisada caqliga kamid ah in uu yahay xubin oggol in fikradaha isla-beddelaya xaaladaha iyo xeeladaha lagu dan-gaarayo. Maskaxda oo la xalo si loo xakameeyo waa astaamaha lagu muujinaya doonista jiheynta dabeecadaha qofka aadamiga ah, iyada oo lagu quudinayo fikrado lagu maamulo aragti lagu gumeysanayo.

Hababka maskax-dhaqidda waxay ahayd welina tahay mid ku xiran fikrado caqli-gal ah oo maskaxda ka saara awoodda fikirka ee ku xeeran. Aragtidan ah qofka aadamiga ah maankiisa laga qabsado waxay dunida ku soo kordhisey musiibooyinka taagan kuwooda ugu mixnadda badan.

Si haddaba maskaxda looga nadiifiyo ogaallada ku keydsan, dabadeedna loogu guro ogaallo cusub, aynu marka hore eegno sida ay u qaadato ogaallada. Maskaxdu waxay la shaqeysaa xubnaha shanta ah ee ogaallada uga soo gudbiya dibadda. Tusaale-dhig, waa indhaha oo sawir ahaan u soo gudbiya wixii u muuqda. Laakiin waxaa hubaal ah in maskaxdu ayan xiiso u qabin wax-kasta oo muuqda.

Keliya waxay qaadaneysaa sawir qura oo markaas uu xiisaheeda weyn ku dhacayo. Sidaa darteed araggii kama ay oggolaaneyso in ay keydiso muuqaal walba oo indhuhu ay usoo gudbiyaan.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa, adiga oo maraya waddo ay dadku ku badan yihiin, boqollaalka qof oo hareerahaaga maraya, maskaxdaadu midkoodna ku mashquuli-meyso.

Laakiin markuu mowjadahaas dadka ah markii qof aad taqaanid uu kaaga soo dhex-baxo, si gaar ah ayaad aragga ula raaceysaa. Halkaas ayay maskaxdii ka bilaabaysaa in ay jirka u kala dirto signaalladii uu ku shaqeynayay, iyada oo amreysa in qofkaasi uu kaa helo salaan ku qadaran hadba inta uu kaa mudan yahay. Waxaa markaas si dhab ah u howl-gelaya xarunta xasuusta ee maskaxda (Memory Center).

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiqm1000@gmail.com

Hadalsame Media