Kenya oo muujisay sida ay ula dhacsan tahay suuqa Jaadka ee Muqdisho (Hal meel oo ay walaac ka muujisay)

0

(Nairobi) 01 Agoosto 2022 – Kenya waxa ay Somalia u dhoofisey Qaad Miiroow ah oo uu qiimihiisu dhan yahay 221 milyan oo Shilinka dalka Kenya muddo afar maalmood ah oo qura tan iyo markii uu dib u soo laabtay suuqa Soomaaliya, taasi oo muujinaysa doorka muuqda ee badeecadaasi ay ku leedahay dhaqaalaha, sida uu qoray Nation.

Madaxa Miraa Pyrethrum iyo dalagyada kale ee lasoo saaro ee Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisey 81.4 tan oo daroogadan ah tan iyo markii suuqa la furay todobaadkii hore.

Mr Mutwiri waxa uu sheegay in 19 ka mid ah 22-kii qof ee dalbaday shatiga dhoofinta 19 ka mid ah loo fasaxay xilli ay ganacsato badani ay dalbadeen ruqsaddan si ay u helaan shatiga.

Kiilada Miirooga ah ee Soomaaliya loo iibgeeyo hadda waxa uu marayaa $23 (Sh2,734), taas oo wali ka sii hoosaysa marka loo eego $25 (Sh2,972) oo uu ka heli jiray kahor inta aan suuqa la joojin.

Kenya ayaa se suuqa kala kulmaysa tartan dhanka suuqa ah oo kaga imaanaya dhanka Itoobiya oo suuqa keeni jirtay Jaadka Hareeriga kaddib markii Nairobi laga xiray suuqa.

Hadalsame Media