Taariikh aan ka farxinaynin taageerayaasha Liverpool oo la socota ku guulaysiga Community Shield

0

(London) 30 Luulyo 2022 – Kooxda Liverpool ayaa 16 sanadood kaddib hanatay kooba Community Shield oo ay 3-1 uga fara maroojisey kooxda ay woqooyi Galbeed ku xafiiltamaan ee Man City.

Goolasha 3-1 ee ay dhaliyeen waxaa sidoo kale soo khatimay qannaaska kooxdaa ku cusub ee Darwin Nunez oo madax qalqalloocan ku quusiyey rajadii Citizens.

Yeelkeede, waxaa jira sooyaal aan ka farxinaynin kooxda Reds ee koobka hanatay. Sababtuna waxay tahay in 10-kii kooxood ee ugu dambeeyey ee hantay koobka Community Shield ay koox qur ihi isla fasalkaa hanatay horyaalka Premier League.

Micnaha 9 kooxood oo ka mid ah 10-kii ugu dambeeyey ee hantay Community Shield isla fasalkaa waa ku fashilmeen inay qaadaan EPL.

Hadalsame Media