Arrin kasoo korortay kansarka xaniinyaha ee laga helay laacibka Sebastien Haller

0

(Dortmund) 30 Luulyo 2022 – War xun oo usoo yeeray Borussia Dortmund. Weeraryahanka cusub ee Gialloneri, Sebastien Haller, oo sanadkan uun ka yimid Ajax, ayaa ku khasbanaan doona inuu maro nidaamka gubitaanka unugyada ee kiimoterabi.

Dhawr todobaad kahor, ayaa waxaa laacibka laga helay kansarka xiniinyaha, maantana sida ku cad war rasmi ah oo ka soo baxay naadigiisa Jarmanka ah, waxaa baarista lagu ogaadey in uu yahay midka xun ee faafa (malignant).

Waa kuwan erayadii kooxdu: “Sebastien Haller (28) waxa uu ka maqnaan doonaa Borussia Dortmund dhowr bilood. Natiijooyinka baaritaanka unugyada iyo nudayaashu waxa ay muujinayaan kansarka xiniinyaha oo xun.”

Sidaa darteed, Haller waa inuu maraa hannaanka dawaynta kemoterabi.

Ha yeeshee, Sebastien hadda waxa uu heli doonaa dawaynta ugu fiican ee suurtogalka ah. Fursadaha soo kabashaduna aad bay u wanaagsan tahay.

Waxaan u rajaynaynaa isaga iyo qoyskiisa xoog badan oo ay ku xamilaan iyo rajo wanaagsan, dareenkeennu waxaa uu la jiraa laacibka waqtigan adag.” ayuu yiri Agaasimaha Isboortiga BVB ee Sebastian Kehl.