XOG: Maxaa weli hortaagan in MW Somalia uu booqdo dalka Itoobiya?! (RW Abiy Ahmed oo…)

0
Somalia's new President Hassan Sheikh Mohamud (L) speaks with Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed during his inauguration calemony as the 10th President with the presence of three heads of state, Kenya, Ethiopia, and Djibouti, in Mogadishu, Somalia, on June 9, 2022. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  safarkiisii 7-aad waxa uu ku tegey dalka Masar isagoo halkaa shir jaraa’id kula qabtay dhiggiisa Cabdifataax Al Siisii.

Waxaa haddaba la is waydiinayaa sababta uu MW Somalia weli u booqan kari la’yahay dalka Itoobiya iyadoo xilligii uu Jabuuti joogey la sheegay inuu tegayo Itoobiya, balse waxaa markii dambe soo baxday inay ”Itoobiya ka cudur daaratay safarkiisa”, haddaba, maxaa ka jira wararkaasi?

Xog hoose oo la isku hallayn karo oo ay heshay Hadalsame Media ayaa tibaaxaya in aanay sidan wax u jirin. Waxaa ay wararku intaa ku darayaan in MW Somalia uu Itoobiya doonayey inuu ka dhigo dalkii 4-aad ee uu booqdo iyo kii 2-aad ee gobolka ah.

Haddii si kale loo yiraahdo, wuxuu qorshuhu ahaa in uu booqdo Itoobiya marka uu kasoo laabto dalka Eritrea oo ahaa dalkii 3-aad ee tegey kaddib Imaaraadka iyo Turkiga, balse waxaa la sheegay in RW Itoobiya uu jirranaa wararka qaar baana sheegaya in loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Itoobiya ee MW Somalia ayaa sidaa darteed waxay xogtu sheegaysaa inay ka xayiran tahay dhinaca Itoobiya sababo la xiriira xaaladda uu ku sugan yahay RW Itoobiya ee Abiy Axmed.

Hadalsame Media